92.The Night

  1. Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha
  2. Iyo maalinta marka ay iftiinto
  3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga
  4. Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay
  5. Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta
  6. Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada)
  7. Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka)
  8. Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon
  9. Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada)
  10. Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta)
  11. Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo
  12. Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan)
  13. (Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka)
  14. Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa
  15. Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha
  16. Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya
  17. Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha
  18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo
  19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo
  20. Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya
  21. Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa