91.The Sun

  1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda
  2. Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda)
  3. Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda
  4. Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda
  5. Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay
  6. Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay
  7. Iyo nafta iyo Kan Isagu simay
  8. Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran
  9. Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
  10. Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa
  11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti
  12. Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay
  13. Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda
  14. Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)
  15. Oo Kama uu cabsado cidhibteeda