90.The City

  1. Mayee,Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah)
  2. Oo adiga (Muxammad) waad ka eed tiran tahay (ku dagaallanka) magaaladan
  3. Oo waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo waxa uu dhalay (Ismaaciil)
  4. Xaqiiq Waxaan abuurnay aadmiga isagoo ku sugnaan dhib iyo howl
  5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn
  6. Wuxuu leeyahay: Waxaan lumiyey maal badan
  7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag
  8. Miyaanan siin labo indhood
  9. Iyo carrab iyo labo bishimood
  10. oo aan tusin labada jidood
  11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah
  12. Oo maxaa ku ogeysiiyey (waxa ay tahay ee looga gudbo) jidkaa buurta ah
  13. (Waa) xoreynta qof (addoon ah)
  14. Ama siinta cunno maalin gaajo jirto
  15. Agoon, aad qaraabo tihiin
  16. Ama miskiin dhulka yaal
  17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeysan, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo sabarka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta)
  18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada)
  19. Ma kuwa se k ku gaalooba Aayadahayaga (xujooyinka, waxyiga iwm) waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka)
  20. Dushooda waa Naar korka looga xiray