89.The Dawn

  1. Waxaan ku dhaartay waaberiga
  2. Iyo habeennada tobanka ah
  3. Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer)
  4. Iyo habeenka marka uu tago
  5. Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh
  6. Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad
  7. Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer
  8. Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale
  9. Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad)
  10. Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan
  11. Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka
  12. Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda
  13. Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah
  14. Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya
  15. Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay
  16. Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday
  17. Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka
  18. Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka
  19. Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn
  20. Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran
  21. Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo
  22. Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah
  23. Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari
  24. Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan
  25. Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa
  26. Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa
  27. Naf yahay adiga xasillooneey
  28. U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay
  29. Ee gal addoomaheyga dhexdood
  30. Oo gal Jannadeyda