88.The Overwhelming

  1. Mawuusan kuu iman warka dabooshada
  2. Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan
  3. Howlan, aad u daallan
  4. Waxay Geli Naar aad u kulul
  5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa
  6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee
  7. Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin
  8. Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan
  9. Raalli ah dadaalkoodii darti
  10. Ku jira Beer sare gudaheed
  11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah
  12. Dhexdeeda waxaa ah il socota
  13. Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay
  14. Iyo koobab diyaar laga dhigay
  15. Iyo barkimooyin la safay
  16. Iyo gogollo la fidshey
  17. Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray
  18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay
  19. Iyo buuraha, sida loo dhidbay
  20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey
  21. Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye
  22. Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya
  23. Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba
  24. Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn
  25. Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu
  26. Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda