87.The Most High

  1. Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya
  2. Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey
  3. Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa)
  4. Oo ah Kan soo saara daaqa
  5. Oo misna ka dhiga xaabo madow
  6. Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid
  7. Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba
  8. Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka)
  9. Ee waani, markay waanadu wax tari
  10. Kan isagu baqa baa ku waano qaadan
  11. Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada)
  12. Kaasoo geli doona Naar aad u weyn
  13. Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono
  14. Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
  15. Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada
  16. Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan
  17. Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan
  18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore
  19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse