86.The Morning Star

  1. Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura
  2. (Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay
  3. Xiddigga iftiinka badan
  4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)
  5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray
  6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda
  7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood
  8. Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha
  9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono
  10. Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna
  11. Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka)
  12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa)
  13. Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad
  14. Oo ma aha dheel
  15. Hubaal waxay qoolaan shirqool
  16. Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe
  17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar