85.The Constellations

  1. Waxaan ku dhaartay rugaha xiddiguhu maraan
  2. Iyo Maalinta ballanta ah
  3. Iyo marag furaha iyo kuwa lagu marag furo
  4. Belo ha ku dhacdo qoladii godka
  5. Ee lahaa dab olol iyo shidaal badan
  6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka)
  7. Oo waxay ka ahaayeen marag waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta
  8. Oo kuma ay gelin wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh , ee la Ammaano
  9. Ee, iska leh mulkiga (iyo maamulka) samooyinka iyo arlada! Oo Allaah wax walba waa u Jeedaa
  10. Hubaal kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, markaas aan toobad keenin, waxay leeyihiin cadaab Naar ah, oo waxay leeyihiin cadaab gubeysa
  11. Hubaal kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn
  12. Hubaal Qabashada Rabbigaa waa mid aad u daran
  13. Hubaal Isaga weeye Kan uuma (uunka) oo dib u soo saara
  14. Oo Waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Gacalka ah
  15. Rabbiga Carshiga, Sharafta Badan
  16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono
  17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii
  18. Fircoon iyo Thamuud
  19. Balse! Kuwa gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta xaqa
  20. Oo Allaah baa ka kooba dhinac kasta
  21. Bal! Kani waa Qur’aan Sharaf Badan
  22. Ku yaal Looxa Maxfuudka