84.The Splitting Open

  1. Markay samadu u jeexanto gaballo
  2. Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
  3. Oo marka arlada la fidiyo
  4. Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato
  5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo
  6. Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga
  7. Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig
  8. Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud
  9. Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan
  10. Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa
  11. Wuxuu u yeedhan doonaa hoog
  12. Oo geli doonaa naar hureysa
  13. Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan
  14. Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga)
  15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday
  16. Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac
  17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo
  18. Iyo dayaxa marka uu buuxsamo
  19. Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba)
  20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn
  21. Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan
  22. Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa)
  23. Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan
  24. Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
  25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada)