83.Defrauding

  1. Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka
  2. Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah
  3. Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya
  4. Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo)
  5. Maalin aad u weyn
  6. Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka
  7. Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin
  8. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay
  9. Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran
  10. Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha
  11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta
  12. Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah
  13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore
  14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood
  15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood
  16. Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan
  17. Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen
  18. Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun
  19. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay
  20. Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran
  21. Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah)
  22. Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed
  23. Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba)
  24. Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada
  25. Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay
  26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu
  27. Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah
  28. Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan
  29. Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan
  30. Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen
  31. Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya
  32. Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin
  33. Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda
  34. Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada
  35. Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya
  36. Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen