82.The Cleaving

  1. Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo
  2. Oo xiddiguhu kala firdhaan
  3. Oo marka badaha la burqiyo
  4. Oo qabuuraha la soo qufo
  5. Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay
  6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan
  7. Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran
  8. Oo suurad tuu rabo kaa rakibay
  9. Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta
  10. Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran)
  11. Sharaf leh wax qorta
  12. Way og yihiin wax kastoo aad fashaan
  13. Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo
  14. Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya
  15. Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta
  16. Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda
  17. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay
  18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay
  19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah