5.The Table

  1. Mu’miniintoy! Oofiya ballamaha1 aad gashaan. Waxaa la idiin xalaaleeyey xoolaha nicmooleyda ah marka laga reebo waxa la idiinku yeedhin doono (halkan), idinkoo aan banneysaneyn xurmadda ugaarsiga marka aad xidhataan (Xajka ama Cumrada). hubaal, Allaah wuxuu xukumaa wuxuu doono
  2. Mu’miniintoy! Ha banneysannina xurmadda calaamooyinka uu dhigay Allaah iyo bisha xurmadda leh midna, hana ( fara gelina) hadyiga, iyo xoolaha la luqan xidhay (ee qurbaanka ah) iyo dadka u socda Baydka Xurmadda leh (Kacbada), iyagoo doonaya Fadliga Rabbigood iyo Raalli gelintiisa. Oo markaad bogtaan howlaha (Xajka ama Cumrada), markaa ugaarsada (haddaad doontaan), oo yeysan naceybka dad idinka hor istaagay Masjidka xurmadda gaarka ahi leh idinku xambaarin inaad xad gudubtaan. Oo isugu kaalmeeya samaha iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isu kaalmeynina dambiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Alle ciqaabtiisu way Daran tahay
  3. Waxa la idinka xaaraameeyay waa waxaa (xoolahaa) u dhinta iskood (gowrac la’aan), iyo dhiig, iyo hilib doofaar, iyo waxa lagu xuso magac kale aan ahayn Allaah, iyo xoolaha lagu dilo ceego, iyo tan u dhimata jug, iyo tan u dhimata meel ka soo dhac, iyo tan u dhimata hirdin_ iyo waxa uu cuno dugaag2 _ waxa aad (awood u yeelataan inaad) gowracdaan mooyee (dhimashadooda ka hor), iyo waxa lagu hadiyeeyo (gowraco) sanammada korkooda, (waxaa kaloo reebban) inaad wax ku qaybsataan faal iyo qori tuur, kaasi waa fisiq. Maalintan bay gaaladu ka quusteen diintiinna, ee ha ka baqina, ee Aniga Keliya iga baqa. Maalintan3 baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiinka raalli noqday Islaamka diin iyo hab dhaqan ahaan. Qofkii se ay ku dirqido gaajo daran (inuu cuno hilbahaa aan bannaaneyn), isagoo aan u dan laheyn u iilasho dambi, markaa hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis badan
  4. Waxay ku weydiiyaan waxa loo xalaaleeyey. Dheh: Waxaa la idiin xalaaleeyey waxyaalaha wanaagsan iyo waxaad barteen dugaagga iyo shimbiraha wax dhaawaca idinkoo u laylinaya ugaarsiga – aad bartaan waxa uu idin baray Ilaahay -; ee cuna waxa ay idiin soo qabtaan, oo ku xusa Magaca Ilaahay korkooda, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta
  5. Maalintan (dhammaan) waxyaalaha wanaagsan waa la idiin xalaaleeyey; oo cuntada kuwa la siiyey Kitaabka waa idiin xalaal, oo cuntadiinnu waa u xalaal iyaga. (oo waa idiin xalaal) dhowrsanooyinka ka mid ah mu’minaadka iyo dhowrsanooyinka ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiiin, markaad siisaan meherradooda idinkoo ku qaadanaya (guur) aan gaabsi ka dooneyn oo aan ka yeelanayn saaxiibbooyin qarsoodi ah. Oo qofkii beeniya Iimaanka, waxaa xaqiiq bura camalkiisa, oo Aakhirada wuxuu ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaaraha
  6. Mu’miniintoy! Markaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (oo meyra) lugahiinna ilaa canqawyada. Oo haddaad qasli qabtaan, markaa meyrta oo haddaad bugtaan ama safar tihiin ama midkiin ka yimaado kortag ama aad taabateen haweenka oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Allaah inuu idin kor dhigo wax dhib ah, laakiinse wuxuu rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahad naqdaan
  7. Oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna iyo axdigiisa uu idiin ku guntay si adag, markaad tidhaahdeen: Waanu maqallay oo waanu adeecaynaa, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
  8. Mu’miniintoy! Ahaada kuwo toosan oo u taagan Ilaahay Darti, markhaatiyo caadil ah oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya: sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. hubaal, Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
  9. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwa rumeysan oo samaha fala, inay mudan doonaan dambi dhaaf iyo Ajar aad u weyn
  10. (ma xagga) kuwase Xaqa diida oo beeniya Aayadahayaga, waa kuwan ehlu Naarka
  11. Mu’miiniintoy! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii ay qolo goosteen inay idiin soo fidshaan gacmahooda xaggiinna, wuuse idinka qabtay gacmahooda oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah. oo Allaah ha isku hal- leeyaan mu’miniintu
  12. Oo xaqiiq Allaah wuxuu la galay axdi Ilmahii Israa'iil, oo waxaan ka soo saarnay dhexdooda labo iyo toban oday. Oo wuxuu Alle yidhi: Hubaal Anigu waa idin la jiraa: haddaad hagaajisaan salaadda, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda; oo u gargaartaan, oo amaahsataan Allaah amaah wanaagsan. Waxaan hubaal idiin asturi doonaaa xumaatooyinkiina oo waxaan hubaal idin gelin doonaa Beero ay hoostoodu webiyo qulqulaan. Qofkii se rumeysan diida intaas kaddib oo idinka mid ah, wuxuu xaqiiq ka lumaa Jidka Toosan
  13. Hase yeeshee ka bixiddooda axdigoodii awgii waan nacladnay, oo aan ka dhignay quluubtooda adeyg; waxay ka duween ereyada (sharciga) meelahoodii, oo waxay dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah; oo waxaad ka arki doontaa mar walba khiyaano ku jirta xaggooda in yar oo ka mid ah maahee. ee iska cafi, oo iskaga jeeso. hubaal, Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
  14. Oo kuwa yidhaahda waxaanu nahay Nasaaro, Waxaan la galnay axdi, wayse dayaceen qayb waxa lagu waaniyey ah. Markaas baan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ah ilaa Maalinta Qiyaamaha, oo wuxuu Allaah u sheegi doonaa waxa ay samayeen
  15. Ehlu Kitaabkow! Xaqiiq waxaa idiin yimid Rasuulkayaga (Nabi Muxammad) oo idiin caddeynaya wax badan oo ka mid ah waxa aad qariseen ee Kitaabka ka midka ah, oo iska dul maraya in badan. Xaqiiq waxaa haatan idiinka yimid xagga Ilaahay nuur iyo Kitaab caddaan ah
  16. Oo uu Allaah kula hanuuniyo kan raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, oo kaga saaro mugdiyada xagga Nuurka Idankii, oo ku hanuunsha Jidka Toosan
  17. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah waa Masiixa ina Maryam. Dheh: Yaa haddaba wax ka tari kara Allaah hadduu doono inuu halaago Masiixa ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan? oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, Wuxuu abuuraa waxa uu doono. Oo Allaah wax walba wuu Karaa
  18. Oo Yuhuudda iyo Nasaaradu waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay. Dheh: Muxuu haddaba idiinku cadaabaa dambiyadiinna awgeed?. Mayee, waxaad tihiin Aadmi ka mid ah waxa uu abuuray. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo waa Xaggiisa meel noqodka dambe
  19. Ehlu-Kitaabkow! Xaqiiq Rasuulkayaga baa idiin yimid isagoo idiin caddeynaya (Xaqa) hakasho kaddib (soo diristii) Rususha, si aydaan u odhan, Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna. Ee xaqiiq waxaa haatan idiin yimid bishaareeye iyo digeba. Oo Allaah wax walba wuu Karaa
  20. Oo waa tii uu Muuse ku yidhi dadkiisii: Dadkaygiiyow! Xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii uu idinka soo dhex saaray Nabiyo dhexdiinna, oo idinka dhigay boqorro, oo idin siiyey waxaan la siin cid ka mid ah caalamka (waqtigiinnii)
  21. Dadkaygiiyow! Gala arladaan daahirka ah ee Allaah idiin qoray, oo ha jeedinnina dhabarradiinna idinkoo dib u noqonaya, waayo markaas waxaad soo laaban idinkoo ku sugan khasaaro dhan
  22. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Hubaal waxaa jooga qolo xoog badan, oo ma gali doonno marnaba jeer ay ka baxaan; ee hadday ka baxaan markaas baanu hubaal gali doonnaa
  23. Labo nin (Yuushac bin Nuun iyo Kaalib bin Yoofinaa) oo ka mid ah kuwa (Alle ka) cabsada oo uu Allaah u nicmeeyey waxay yidhaahdeen: Uga gala (cadowga) albaabka, oo markaad gashaanba idinkaa hubaal lib heli doona, oo Allaah isku halleeya, haddaad tihiin mu’miniin
  24. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Marnaba ma gali doonno weligayo inta ay ku jiraan. Ee taga adiga iyo Rabbigaa oo dagaal gala labadiinnu, hubaal innagu halkan baan iska fadhiisan doonnaa
  25. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal Anigu ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay (Haaruun), ee na kala saar innaga iyo dadka caasiyiinta ah
  26. Wuxuu yidhi: Haddaba iyadu (dhulkan daahirka ah) hubaal waxay ka xaaraansan tahay iyaga afartan sannadood, ay ku jaha wareeri doonaan dhulka. Ee ha u murugoon dadka caasiyiinta ah
  27. Oo uga warran qisada labadii wiil ee Aadam oo xaq ah; Waa tii ay labaduba bixiyeen qurbaan ee laga aqbalay midkood (Haabiil, oo ahaa xoolaley isagoo la baxay xoolihiisii inta u fiican), oo aan laga aqbalin kii kale ( Qaabiil, oo ahaa beeralay isagoo la baxay zaracisii inta u xun). (Qaabiil) wuxuu (ku) yidhi (Haabiil): hubaal wallee Waan ku dilayaa. (Haabiil) wuxuu yidhi: Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa dhowrsoon ee u hoggaansan
  28. Haddaad iigu soo fidiso gacantaada xaggeyga inaad I disho, Anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda xaggaaga inaan ku dilo, hubaal waxaan anigu ka cabsadaa Allaah, Rabbiga caalamka
  29. Hubaal anigu waxaan rabaa inaad la gaddoonto dambiga aad iga gasho iyo dambigaagaba, markaas waxaad ka mid noqon doontaa ehlu Naarka, oo tani waa abaalka gar ma qaatayaasha
  30. Markaas bay u sahashay naftiisii dilka walaalki; oo uu dilay4, oo wuxuu ka mid noqday kuwa ku jira khasaaraha cad
  31. Markaasuu Allaah soo diray tuke fagaya dhulka si uu u tuso sidii uu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu yidhi: Hoogaye! Miyaan kari waayey inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay? Oo wuxuu ka mid noqday kuwa qoomammeeya
  32. Sidaas darteed baan ugu waajibinnay Ilmahii Israa’iil in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed_waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Oo qofkii nooleeya naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan5. Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay taas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah xaqiiq ku falaan xadgudub arlada
  33. Ciqaabka kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa6 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf7, ama la xabbiso. Tani waa dulli ku raaca adduunkan, oo Aakhirada waxay ku mudan doonaan Cadaab aad u Weyn
  34. Marka laga reebo kuwa toobad keena inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Allaah yahay Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  35. Mu’miniintoy! Dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, oo u halgama Jidkiisa Aad liibaantaane
  36. Hubaal, (ma xagga) kuwa xaqa diida xitaa hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabta Maalinta Qiyaamaha lagama aqbali doono, oo waxay mudan doonaan Cadaab aad u xanuun Badan
  37. Waxay dooni inay ka soo baxaan Naarta, marnabase kama soo bixi doonaan halkaa, oo waxay mudan doonaan cadaab ma guuraan ah
  38. Oo (ma xagga) tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda, ciqaab ahaan waxay galabsadeen awgii, waa ciqaab eed siin ah xagga Ilaahay. oo Allaah waa Adkaade, Xakiim ah
  39. Qofkii se toobad keena kaddib markuu gef galay ee hagaajiya (naftiisa), markaa hubaal, Allaah wuu u soo laaban doonaa (si naxariis leh). Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  40. Miyaadan ogeyn in Allaah leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Wuxuu cadaabaa qofkuu doono oo uu u dambi dhaafaa qofkuu doono.Oo Allaah wax walba wuu Karaa
  41. Rasuulow yeysan ku murugeyn kuwa u dheereeya gaalnimada oo ah kuwa ka yidhaahda afafkooda: Waan rumeysannahay, quluubtooduse aanay rumeysneyn, iyo kuwa ka mid ah kuwaa ah Yuhuudda, waa aad u dhageystayaal beenta_ dhageysanya dad kale aan kuu imaan8. Waxay ka duwaan ereyada meelahooda (ku habboon); waxay yidhaahdaan: Haddii la idin siiyo kan (xukunka ay rabaan), qaata, haddiise aan la idin siinin kan, markaa digtoonaada. oo ma xagga midka uu Allaah doono inuu fidmeeyo, waxba ugama tari kartid xagga Ilaahay, kuwaasi weeye kuwa uusan Allaah doonin inuu daahiriyo quluubtooda; waxay ku mudan doonaan adduunyada dulli, oo waxay ku mudan doonaan Aakhirada Cadaab aad u Weyn
  42. Waa been dhageystayaal, xaaraan quutayaal. Sidaas awgeed hadday kuu yimaadaan, u kala garsoor ama iskaga jeeso, oo haddaad ka jeesato waxba kuma yeeli doonaan. Oo haddaad u garsoorto, ugu kala garsoor caddaalad dhexdooda. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa wax u garsoora si caddaalad ah
  43. Oo sidee bay kaaga dhigtaan garsoor, oo waxay heystaan Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Ilaahay (oo cad)?; haddana way ka jeestaan taasi ka ddib. Oo kuwani ma aha mu’miniin
  44. Hubaal Waxaanu soo waxyoonnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugnaa Hanuun iyo Nuur, oo ay Nabiyadii u hoggaansamay (Allaah) ugu kala garsooreen (arrimaha) kuwaasi ahaa Yuhuudda, sidaas bayna yeeleen Rabbi yaqaannadii iyo culumadii, kuwaasoo la saaray inay wax ka dhowraan Kitaabka Ilaahay, oo waxay ka ahaayeen markhaati. Haddaba ha ka baqina dadka ee iga baqa Aniga Keliya oo ha ku iibsannina Aayadahayga qiimo yar. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaasi weeye kuwa gaalada ah
  45. Oo waxaanu u qornay: in Naf naf loo qaado9, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta ( iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Ilaahay darti), waxaa loogu dhaafi dambigiisa. Oo qofkii aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha
  46. Oo waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciise ina Maryam, oo xaqiijanaya wixii hortiisa ahaa ee Towraadda; oo Waxaanu siinnay Injiilka uu ku sugnaa Hanuun iyo Nuur oo xaqiijinaya wixii hortiis ahaa ee Towraadda, oo hanuun iyo waano u ah kuwa iska jira (xumaha)
  47. Ee ehlu Injiilka wax ha ku xukumaan waxa Allaah ku soo waxyooday gudahiisa10. Oo qofkii se aan wax ku xukumin waxa uu Allaah soo waxyooday, kuwaas weeye kuwa caasiyiinta ah
  48. Oo Waxaan kuu soo waxyoonnay Kitaabka oo Xaq ah isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey oo Kitaab ah oo isla markaa markhaati iyo ilaaliye u ah. Ee ku kala xukun dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin ka mid ah, waxaan u yeellay xeer iyo dhabbo. Oo hadduu Allaah doono, wuxuu idin ka dhigi lahaa (dhammaantiin) ummad keliya, laakiinse waa si uu idiinku imtixaano waxa uu idin siiyey; ee u tartama samaha. Waa Xagga Allaah meel noqodkiinna dhammaantiin; markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad isku khilaafteen
  49. Oo waa inaad ku kala xukunto dhexdooda waxa uu Allaah soo waxyooday, oo ha raacin waxa (liita) ay nafahoodu rabaan, oo ka digtoonoow inay kaa jeediyaan qaar ka mid ah waxa uu Allaah kuu soo waxyooday. Haddiise ay jeesadaan, markaa ogow inuu Allaah rabo inuu ku ciqaabo dambiyadooda qaarkood. Oo hubaal, in badan oo dadka ka mid ahi waa caasiyaal
  50. Oo ma xukunkii (waqtigii) jaahiliyadda baa waxa ay rabaan? Oo kumaa se uga xukun wanaagsan Allaah dad yaqiinsan
  51. Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina Yuhuudda iyo Nasaarada xulufo, iyagaa qaarkoodba xulufo u ah qaarka kale, oo qofkii idinka mid ah ee ka dhigta xulufo, haddaba hubaal wuxuu ka mid yahay iyaga. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadkaa ah gar ma qaatayaasha
  52. Waxaadse arki doontaa kuwa uu quluubtooda ka jiro cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm) oo u degdegaya xaggooda, iyagoo leh: Waanu baqaynaa si ayan noogu dhicin dhibaato (socota). Waxaase laga yaabaa in Allaah keeno guul ama ciqaab Xaggiisa ah oo markaas waxay noqon doonaan kuwo waxa ay ku qarsanayeen nafahooda ka qoommameeya
  53. Oo kuwa (Xaqa) rumeysan waxay odhan doonaan: Ma kuwan baa kuwii ku dhaartay Allaah dhaarahooda tan ugu culus inay hubaal idinka idin la jireen? Acmaashooda way buri doonaan, marka waxay noqon doonaan kuwo ku sugan khasaara muuqata
  54. Mu’miniintoy! Qofkii idinka mid ah ee ka noqda diintiisa, haddaba wuxuu Allaah keeni doonaa dad, uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, u halgama Jidka Ilaahay, oo aan ka cabsan canaanta canaante. Kani waa Fadliga Ilaahay, Wuxuu siiyaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon
  55. Sideedaba Gacalkiinnu Waa Allaah, iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, _ kuwa hagaajiya salaadda, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan (u hoggaansan Alle)
  56. Oo qofkii gacal ka dhigta Allaah iyo Rasuulkiisa iyo kuwa rumeysan, haddaba hubaal xisbiga Ilaahay waa iyaga kuwa lib heli doona
  57. Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar ee ka mid ah kuwa la siiyey Kitaabka idinka hortiin, iyo gaaladaba (mushrikiinta) xulufo; oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, haddaad tihiin mu’miniin
  58. Oo markaad u addintaan salaadda, waxay ka dhigtaan jees jees iyo cayaar. Arrinkani waxaa ugu wacan waa dad aan waxba fahmin
  59. Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ma waxaad nagu eedeysaan waxaan ahayn inaan rumeysannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday iyo wixii la soo waxyooday awal hore, iyo inaad badankiin idinku tihiin caasiyaal
  60. Dheh: Ma idiin sheegaa (waxa) ka meeqaan liita kani abaal marin ahaan xagga Allaah, (waxaa ka meeqaan liita) kan uu Allaah nacladay oo u cadhooday, oo uu ka dhigay daayeerro iyo doofaarro, iyo kan caabuday Shaydaanka; kuwan baa u liita meeqaan ahaan oo aad iyo aad uga lunsan Jidka Toosan
  61. Oo markay idiin yimaadaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; iyagoo xaqiiq la soo gala iimaan darro, oo xaqiiq la baxa. Oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ay qarsadeen
  62. Oo waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo kula tartamaya midkoodba kan kale u degdegidda dambiga iyo xad gudubka, iyo cunistooda waxa xaq darrada lagu kasbado.xumaa xaqiiq waxa ay falaan
  63. Maxay uga reebi waayeen Rabbi yaqaannada iyo culimadu hadalkooda dambiga ah iyo cuniddooda waxa xaqdarrada lagu kasbado. Oo xumaa xaqiiq waxa ay sameeyaan
  64. Oo Yuhuuddu waxay yidhaahdaan: Gacanta Ilaahay way xidhan tahay! Gacmahoodu baa la xidhi oo waxaa loo nacladaa waxa ay ku hadlaan dartii. Mayee, Labadiisa Gacmood way fidsan yihiin. Wuxuu wax u baxshaa sida uu doono. Oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu u kordhiyaa kuwo badan oo ka mid ah xadgudub iyo gaalnimo. Oo Waxaan dhignay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaamaha; Mar kasta oo ay huriyaan dab dagaal, Allaah baa damiya; oo waxay ku dadaalaan inay ku fidiyaan fasahaad arlada. Oo Allaah ma jecla kuwa fasahaad falayaasha ah
  65. Oo hadday ehlu-Kitaabku rumeeyaan oo ay iska ilaaliyaan (xume) waxaan hubaal u asturi lahayn xumaatooyinkooda oo waxaan hubaal ka yeeli laheyn inay galaan beero barwaaqo ah
  66. Oo hadday oogaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxaa looga soo waxyooday xagga Rabbigood (Qur’aanka), waxay hubaal ka cuni lahaayeen (risiq) korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa ka mid ah ummad qaadda jid dhexdhexaad ah, in badanse oo ka mid ah waxaa xun waxa ay falaan
  67. Rasuulkow! Gaarsii waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa. Oo haddii aadan falin, haddaba ma aadan gaarsiin Risaaladiisa. Oo Allaah baa kaa ilaalin dadka. Hubaal, Allaah ma hanuuniyo dadka gaalada ah
  68. Dheh: Ehlu-kitaabkow! Ma raacdaan waxba wax ku ool ah jeer aad oogtaan Tawraadda iyo Injiilka iyo waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin (Qur’aanka); oo hubaal waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa wuxuu ka yeeli in badan oo ka mid ah inay kororsadaan xadgudub iyo gaalnimo. Ee ha u murugoon dadkaa gaalada ah
  69. Hubaal, Kuwa rumeysan, iyo kuwa heysta Yuhuudiyadda iyo Saabbi’iinta iyo Nasaarada, _ qofkii rumeysan Allaah iyo Maalinta dambeysa, oo sama fala, ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan
  70. Xaqiiq Waxaan la galnay Axdi Ilmahii Israa’iil oo Waxaan u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aanay nafahoodu dooneyn, qaar (ka mid ah) way beeniyeen, oo qaar way dileen
  71. Oo waxay moodeen inaysan jireyn wax Fidna ah, markaasay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’, haddana Allaah wuu u soo laabtay si naxariis leh, ha yeeshee in badan oo ka mid ahi waxay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’. Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan
  72. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa Masiixa ina Maryam; oo Masiixa wuxuu yidhi: Ilmahii Israa’iiloow! Caabuda Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin. Hubaal, qofkii wax la wadaajiya (cibaadada) Allaah, markaa wuxuu Allaah ka xaaraantinimeeyey Jannada, oo hoygiisu waa Naarta. Oo halkaa ma lahaan doonaan gar ma qaatayaasha wax u soo gargaara
  73. Xaqiiq waa gaalo kuwa yidhaahda: Hubaal Allaah, waa saddexeenka seddexda. Mase jiro Ilaah aan ahayn Allaah Keliya. Oo hadday ka hari waayaan waxa ay leeyihiin, Cadaab xanuun badan baa ku dhici doona kuwa iyaga ka mid ah ee Xaqa diida
  74. Mawaysan haddaba u soo laabaneyn Allaah oo weydiisanayn Dambi Dhaafkiisa? Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  75. Oo Masiixa ina Maryam, ma ahayn waxaan ahayn Rasuul; xaqiiq waxaa tagey hortiis Rusul badan. Oo hooyadi waxay ahayd run badan; waxay labaduba cuni jireen cuntada. Eeg sida aan ugu caddeyno Aayadaha, misna eeg sida loo iilo
  76. Dheh: Ma waxaad caabuddaan Allaah ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna? Oo Allaah waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
  77. Dheh: Ehlu-Kitaabkow! Ha ku xad dhaafina camalkiinna xaq darro, oo ha raacina rabitaannada liita ee dad hore u habaabay, oo in badan habaabiyey, oo ka habaabay Jidka Toosan
  78. Kuwii xaqa diiday ee ka midka ahaa Ilmahii Is’raaiil waxaa lagu nacladay carrabka Daawuud iyo Ciise ina Maryam. Waxaa arrinkani ugu wacnaa inay caasi-yeen darteed oo xadugudub sameyn jireen
  79. Iskama ay reebi jirin waxyaalaha xun ee ay falaan. Oo xumaa xaqiiq waxaa ay faleen
  80. Waxaad arki doontaa in badan oo ka mid ah oo ka dhiganaya xulufo gaalada. Xumaa xaqiiq waxa ay nafahooda u hormariyeen oo ah inuu Allaah u cadhooday, oo cadaabtay ku waari doonaan weligood
  81. Oo hadday yihiin kuwo rumeysan Allaah, iyo Nabiga iyo waxa loo soo waxyooday, kama ay dhigteen xulufo, laa- kiinse in badan oo ka mid ah waa fallaago
  82. Xaqiiq waxaad heli doontaa kuwa uga cadaawad qaad badan mu’miniinta inay yihiin Yuhuudda iyo kuwaa ah mushrikiinta, oo waxaad xaqiiq heli doontaa kuwa ugu gacalo dhow mu’miniinta inay yihiin kuwa yidhaahda: Waxaanu nahay Nasaaro. Waxaa arrinkani ugu wacan inay ka mid yihiin qaysas iyo ruhbaan, iyo inaysan iskibrin darteed
  83. Oo markay maqlaan waxa loo soo waxyooday Rasuulka, waxaad arki doontaa indhahooda oo ay ka qubanayso ilmadu Xaqa ay garteen awgii. Waxay yidhaahdaan: Rabbiyow! Waanu rumeysannahaye; ee nagu qor la jirka kuwa ka marag kaca (Xaqa)
  84. Oo Maxaan (sabab) u heysannaa inaan rumeyn Allaah iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, innagoo dhab u rabno inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaag- san (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa)
  85. Markaas buu Allaah ku abaal mariyey waxa ay yidhaahdeen awgeed beero ay wabiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Oo kani waa abaalka sama falayaasha
  86. Kuwase rumeysan diida oo beeniya Aayadahayaga, kuwakani waa ehlu Naarka
  87. Mu’miniintoy! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Allaah idiin banneeyey, oo ha xad gudbina, Hubaal, Allaah ma jecla kuwa xadgudba
  88. Oo cuna wax ka mid ah xalaasha wanaagsan uu Allaah idin siiyey, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, ee ah Kan aad rumeysan tihiin
  89. Allaah idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), laakiinse wuxuu idiin qaban (jabinta) dhaarahiinna aad si kas ah u gashaan. Haddaba kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxa aad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkiise aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna marka aad dhaarataan. Oo ilaashada dhaarihiinna. Sidaas buu Allaah idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahad naqdaan
  90. Mu’miniintoy! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (u wax u hibeynta) sanammada iyo faalku11 waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane
  91. Shaydaan wuxuu uun rabaa inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda, haddaba miyaadan iska deyn doonin
  92. Oo adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka oo digtoonaada. Haddiise aad dhabarka jeedisaan, haddaba ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga Gaarsiin Cad
  93. Kuwa rumeysan oo samaha fala ma jiro wax eed ahi oo ku saaran waxa ay cunaan, markay xume iska jiraan oo gutaan (xilka saaran), oo rumeeyaan oo sama falaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo gutaan (xilka saaran) oo rumeeyaan, haddana iska jiraan (xumaha) oo sama falaan. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
  94. Mu’miniintoy! Wuxuu Allaah hubaal idinku imtixaani doonaa wuxuun (la xidhiidha) ugaadha oo ay gaari karaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu Allaah u muujiyo kan ka cabsada isagoo aan cidi arkeyn. Qofkii se xadgudba intaa kaddib, wuxuu mudan doonaa cadaab xanuun badan
  95. Mu’miniintoy! Ha dilina ugaadha12 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), oo qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidh7an Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma waxa uu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Allaah wuu idinka cafiyey wixii tegay, oo qofkii u noqdaa (dambigaa) mar kale, Allaah wuu ka aar gudan doonaa. Oo Allaah waa Adkaade, Aar goosi leh
  96. Waxaa la idiin banneeyey ugaadha badda aad ugaarsataan iyo cunnadeedaba_ sahay aad leedihiin idinka iyo kuwa socdaalka ah, waxaase la idinka reebay ugaadha barriga aad ugaarsataan inta aad xidhan tihiin (Xaj ama Cumro) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah ee ah Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono
  97. Allaah wuxuu u yeelay Kacbada Beydka Xurmadda leh daryeel dadka awgi iyo bisha xurmadda leh iyo hadyiga iyo xoolaha qurbaanka ee calaamadeysan, tani waa si aad u ogaataan in Allaah og yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, iyo in Allaah Og yahay wax walba
  98. Ogaada in Allaah Ciqaabkiisu Daran yahay, iyo in Allaah Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay
  99. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn gaarsiinta (dhambaalka). Oo Allaah wuu Ogyahay waxa aad muujisaan iyo waxa aad qarisaanba
  100. Dheh: Ma sinna waxa xun iyo waxa fiican, walow aad la yaabto badnaanta waxa xun. ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah wax garadkow aad liibaantaane
  101. Mu’miniintoy! Ha ka keenina su’aalo waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ku dhibtoon kartaan. Haddiise aad ka keentaan su’aalo marka Qur'aanka la soo waxyoonayo waa la idiin caddeyn. Allaah waa idinka cafiyaa tani, oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan
  102. Dad idinka horreeyey baa dhabtii keenay su’aalahaa oo kale, markaasay noqdeen kuwo rumeysan waaya
  103. Ma uusan amrin Allaah (yeelashada) Baxiirah (xoolo caanahooda sanamyada loo bixiyo) ama Saa’ ibah (xoolo sanamyada dartood loo sii daayo) ama Wasiilah (xoolo sanamyada lagu sadaqeysto) ama Xaam (riti sanamyada loo daayo) laakiinse gaaladu waxay ka been sheegaan Allaah, badankooduna ma laha garasho
  104. Oo marka lagu yidhaahdo: U kaalaya waxa uu Allaah soo waxyooday iyo xagga Rasuulka. Waxay yidhaahdaan: Waxaa nagu filan waxaan ka hellay aabbayaashayo, oo ma xitaa haddii aysan aabbayaashood wax ogeyn oo aanay hanuunsanayn
  105. Mu’miniintoy! Wuxuu xil idinka saaran yahay nafahiinna. Wax dhib ah idinkama soo gaari karaan ciddii lunta markaad idinku hanuunsan tihiin. Waa xagga Ilaahay meel noqodkiinna dhammaantiin, markaasuu idiin sheegi doonaa waxaad fasheen
  106. Mu’miniintoy! Marag gashada dhexdiinna markay geeridu ku soo dhowaato midkiin, marka uu dardaarmayo, labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ah ama labo kale oo qeyrkiin ahba, haddaad socdaal ku tihiin arlada oo ay musiibada mowdku idin hesho. Labada (marag) waa inaad joojisaan salaadda (Casar) kaddib, markaa haddaad ka shakidaan13, waa inay labaduba ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya): Innagu ku qaadan meyno wax dheef adduun ah arrintani, qaraababa ha ahaadee, oo ma qarin doonno Maragga Ilaahay, (haddii kale markaa) xaqiiq waxaanu ka mid ahaaneynaa dambiilayaasha
  107. Markaa haddii la ogaado inay labaduba galeen dambi, labo kale baa meeshood joogsan ( oo la dhaarin), ka mid ah kuwaa xaq ku sheeganaya, labada u xiga qaraabo ahaan. Markaa waa inay labadaa ku dhaartaan Allaah (iyagoo odhanaya) wallee maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, mana xadgudbin, (haddii aan xadgudubno) waxaanu hubaal markaa ka mid ahaaneynaa geflowyada
  108. Tan baa wanaagsan si ay ula yimaadaan maragga wejigiisa runta ah, ama waxay ka cabsan in dhaaraha (kale) la qaato14 dhaarahooda kaddib. Oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo wax maqla. Oo Allaah ma hanuuniyo dadkaa caasiyaasha ah
  109. Maalinta uu Allaah wada kulmin doono Rususha oo ku odhan doono: Maxaa la idiinku jawaabay? Waxay odhan doonaan: ma aynu ogin, Adigaa hubaal ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon
  110. Marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Xusuuso Nicmaddeyda aan ku dul mannaystay adiga iyo hooyadaaba, markaan kugu xoojiyey Ruuxa Daahirka (Jabriil), waxaad la hadashay dadka adigoo caydin dhashay ah iyo adigoo garmadoobe ah; oo waa tii aan ku baray Qoraalka iyo Xikmadda iyo Tawraadda iyo Injiilka; oo waa tii aad ka soo goosatay dhoobada, wax u eg shimbir aniga Idankay, oo markaas afuufaysay, markaasna ay noqonaysay shimbir Idankay, oo waxaad bogsiisay indhoolaha iyo baraslaha si Idankayga ah, oo waa tii aad ku soo saartay meytida si Idankeyga ah, oo waa tii aan kaa celiyey Ilmahii Israa’iil kolkaad ula timid Xujooyin cad, ha yeeshee kuwii rumeysan diiday ee ka midka ahaa yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad
  111. Oo waa tii aan u waxyooday xertaadii (anigoo ku leh): I rumeeya Aniga iyo Rasuulkaygaba, waxay yidhaahdeen: Waanu rumeysannahay oo marag ka how inaanu nahay Muslimiin
  112. Waa tii xertii yidhaahdeen: Ciise ina Maryamow! Ma oggolaan Rabbigaa inuu nooga soo dejiyo xeero cunto ah samada? Wuxuu yidhi: Ilaahay ka cabsada, haddii aad tihiin mu’miniin
  113. Waxay yidhaahdeen: Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo ay ku degaan quluubtayada, oo aan ogaanno inaad xaqiiq run noo sheegeyso, oo ka ahaanno markhaatiyo arrinkaa
  114. Ciise ina Maryam wuxuu yidhi: Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero cunto ah samada, oo u noqota ciid kaayaga hore iyo kaayaga dambaba iyo calaamo xaggaaga ah; oo na sii risiq, Adigaa u wanaagsan inta wax arsaaqda'e
  115. Allaah wuxuu yidhi: Hubaal Waan idinku soo dejin, ee qofkii idinka mid ah ee gaalooba taasi kaddib, waxaan cadaabi doonaa cadaab aan cadaabi doonin iyadoo kale axad ka mid ah ummadaha
  116. Oo marka Allaah odhan doono: Ciise ina Maryamow! Ma adigaa ku yidhi dadka: Iga dhigta Aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow? Wuxuu odhan doonaa: Xurmo oo dhan Adigaa leh! Igama suurta gasho inaan idhaahdo wax aan xaq u lahayn. Haddaan odhan lahaa, xaqiiq waad ogaan laheyd. Waxaad Og tahay waxa ku jira nafteyda, Aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Hubaal Adiga ayaa ah Ogsoonaha waxyaalaha qarsoon ee aan muuqan
  117. Kuma aan odhan waxaan ahayn waxa aad i amartay oo ah: Caabuda Allaah Keliya, Rabbigay iyo Rabbigiinba, Waxaan anigu markhaati ka ahaa intii aan la joogay, markaad se i oofsatay, Adiga baa dhuganayey dhugasho dhan oo joogto ah, oo Adigaa Marag ka ah wax walba
  118. Haddaad cadaabeyso, haddaba hubaal waa addoommahaaga, oo haddaad u dambi dhaafeyso, hubaal, Adiga baa ah Adkaadaha , Xakiimka ah
  119. Allaah wuxuu oran doonaa: Tanu waa Maalinta ay runtoodu wax u tari doonto runlowyada, waxay mudan doonaan Beero ay hoostoodu webiyadu qulqulaan_iyagoo ku dhex waaraya weligood. Allaah baa aad uga raalli ah, iyaguna aad bay uga raalli yihiin. Tan weeye liibaanta aad u weyn
  120. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada iyo waxa gudahooda ahba, oo Allaah wax kasta ( uu doono) wuu Karaa