3.The Family of Imraan

  1. Alif – Laam - Miim
  2. Allaah, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa weligii Noolaha, iski u jira, walax kastaana ku jirto oo ku ahaato Amarkiisa
  3. Wuxuu kuugu soo waxyooday Kitaabka si xaq ah, isagoo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo Wuxuu soo waxyooday Towraadda iyo Injiilka…
  4. Kal hore, hanuun ahaan dadka, oo wuxuu soo waxyooday Furqaanka (Qur’aanka). Hubaal kuwa aan rumeysnayn Aayaadaha Ilaahay, waxay mudan doonaan cadaab daran; oo Allaah waa Adkaade, Aargoosi leh
  5. Allaah-- hubaal waxba kama qarsoona ku sugan arlada ama samada
  6. Isaga weeye Kan idiinku sawira ilma galeennada sida uu doono. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah
  7. Isaga weeye Kan kuu soo waxyooday Kitaabka, qaar ka mid ah Aayadahiisa xukunkoodu cad yihiin, waa iyaga aasaaska Kitaabka, qaar kalena waa kuwo isu eg. Marka ma kuwa ay quluubtoodu ku jirto weecashada, waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya inay wax ku habaabiyaan oo doonaya inay ka bixiyaan fasir (iskood ah)1, umase cilmi laha fasirkiisa waxaan aheyn Allaah. Oo kuwa ku xeel dheer cilmiga waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay; dhammaantood iyagu waa xagga Rabbigayo. Oo ma garowsadaan cid aan aheyn wax garadka
  8. Rabbiyow! Ha weecin quluubtayada kaddib markaad na hanuunisay2, oo nooga hibee xaggaaga Naxariis. Hubaal waxaad Adigu tahay kan Deeqda baxsha
  9. Rabbiyow! Adigaa isu soo ururin doonaa dadka Maalin aan shaki lahayn; hubaal Allaah ma ka baxo Ballankiisa
  10. (Ma) kuwa gaalada ah hubaal waxba ugama tari doonaan maalkoodu iyo ilmahooda Allaah agtiisa; oo kuwan weeyaan kuwa ah shidaalka Naarta
  11. Waa shaqadii reer Fircoon oo kale iyo kuwii ka horreeyay; waxay beeniyeen Aayadahayagii, markaasuu Allaah u halligay duntuubtoodii darteed. Oo Allaah Ciqaabtiisu way daran tahay
  12. Ku dheh gaalada: Waa la idinka adkaan, oo la idinku soo ururin wada jir Naar, oo ah tan ugu xun gogol la dhinac dhigo
  13. Xaqiiq waxaa idiinku jirtay calaamo labadii ciidammood ee ku kulantay (dagaalkii Badar): Koox u dagaallameysay Jidka Ilaahay dartii, iyo tan kaloo gaal ahayd waxay u arkeen labo jibbaarkood tiro ahaan xagga aragtida isha (inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarkood). Oo Allaah wuxuu ku xoojiyaa taageeradiisa qofkuu doono. hubaal tani waxaa ugu jirta cibrad kuwa aragtida dheer leh
  14. Jaceylka waxyaalaha naftu rabto, oo leh haween, wiilal, iyo kayd badan oo dahab iyo qalin ah iyo fardo laylan oo qurxoon iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran baa loo qurxiyey dadka. tani waa sahayda nolosha adduunkan; oo Allaah agtiisa baa noqosho wanaagsan leh
  15. Dheh: Ma idiin sheegaa waxa ka fiican waxyaalahani? Waxay leeyhiin kuwaa iska jira (xumaha) _ beero Rabbigood agtiis ah ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, iyagoo ku dhex waaraya, iyo afooyin daahir ah iyo raalli ahaansho xag Ilaahay ah. Oo Allaah wuu Arkaa Addoomihiisa
  16. Kuwaa yidhaahda: Rabbiyow! Hubaal innagu waanu rumeysannahay (Xaqa), ee noo dhaaf dunuubtayada, oo naga dhowr cadaabta Naarta
  17. Sabrayaasha iyo run sheegga, iyo daacadda iyo kuwa si fiican (oo deeqsinnimo leh) wax u bixiya, iyo kuwa weydiista dambi dhaaf waqtiyada aroorta hore ah
  18. Allaah wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, oo malaa’igtu (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga lehba; Wuxuu ku dhaqaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Fal iyo odhaah samaha ah
  19. Hubaal, Diinta Xaqa ahi Allaah agtiisa waa Islaamka. Oo kuwii la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin waxaan ahayn intii uu u yimid cilmiga xasad dhexdooda ah darti. Oo qofkii rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, haddaba hubaal Allaah way dhaqsi badan tahay xisaabtiisu
  20. Haddiise ay kula doodaan dheh: Waxaan anigu isugu dhiibay si dhan Allaah, waana sidaas qofkii I raaca. Oo ku dheh kuwa la siiyey Kitaabka iyo kuwa aan wax baran: Miyaad isdhiibeysaan?3 Haddaba hadday is dhiibaan, markaa runtii waa hanuunsan yihiin; haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba waxaa ku saaran uun gaarsiinta Risaalada; oo Allaah wuu arkaa addoomahiisa
  21. Hubaal (ma) kuwa rumeysan waaya Aayadaha Ilaahay, oo ku dila Nabiyada xaq darro, oo dila kuwa amra caddaaladda ee dadka ka mid ah4. Ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan
  22. Kuwaas weeye kuwa ay acmaashoodu ku noqon doonaan baabba’a adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara
  23. Miyaadan u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) ee la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka? waxaa loogu baaqaa Kitaabka Ilaahay si uu u kala xukumo dhexdooda, markaas bay qaar ka mid ah dhabarka jeediyaan, oo siibtaan
  24. Waxaa tani ugu wacan inay yidhaahdaan: Naarta nama taaban doonto waxaan aheyn maalmo tirsan. Oo waxaa ku hoda diintooda waxay been abuurteen
  25. Ee sidee bay ahaan doontaa marka aan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan shaki ku jirin, oo naf walba loogu oofiyo si dhan waxay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
  26. Dheh: Allahayow! Kan Boqortooyada (runta ah) iska lahow, Waxaad siisaa boqortooyada kan aad doonto, oo ka qaaddaa boqortooyada kan aad doonto, oo waxaad kor yeeshaa kan aad doonto, oo hoos yeeshaa kan aad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrku. Hubaal Adiga baa wax kasta Kara oo awood ku dul leh
  27. Waxaad ka yeeshaa habeenka inuu dhex galo maalinta, oo ka yeeshaa maalinta inay dhex gasho habeenka, oo ka soo saartaa wax nool wax dhintay, oo ka soo saartaa wax dhintay wax nool5. Oo Waxaad arzaaqdaa kan aad doonto xisaab la’aan
  28. Yeysan mu’miniintu ka dhigan gaalada gacallo halkii mu’miniinta, oo qofkii sidani fala, kama heli doono wax (gargaar ah) xagga Ilaahay, waase inaad iska ilaalisaan xaggooda iska ilaalin dhan6. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa7, oo waa xagga Allaah meel noqodka dambe
  29. Dheh: Haddaad qarisaan waxa ku jira laabahiinna ama muujisaan, Allaah wuu ogsoon yahay, oo wuxuu ogsoon yahay waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo Allaah wax walba wuu Karaa
  30. Maalinta naf waliba heli doonto waxa khayr ay fashay oo la hor keeno iyo waxa xume ay fashay, waxay jeclaan doontaa in dhexdooda iyada iyo xumahaa ay ahaan lahayd geeddi aad iyo aad u fog. Oo Allaah wuxuu idiinka digaa Naftiisa (Ciqaabkiisa). Oo Allaah waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa
  31. (Nabi Muxammadow) dheh: Haddaad Allaah jeceshihiin, haddaba i soo raaca, Allaah baa idin jeclaan oo idiin dhaafi dunuubtiinna. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  32. Dheh: Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Muxammad). Haddiise ay dhabarka jeediyaan, hubaal Allaah ma jecla gaalada
  33. Hubaal Allaah wuxuu ka doortay Aadam iyo Nuux iyo reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba ummadaha dhan dushood
  34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, oo Allaah waa wax kasta Maqle,wax kasta Og
  35. Waa tii ay marwadii Cimraan tidhi: Rabbiyow! Waxaan anigu hubaal kuu nadar galay in waxa ku jira uurkayga uu u madax bannaanaado (cibaadadaada) ee iga aqbal. Hubaal waxaad Adigu tahay wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon
  36. Markiise ay dhashay waxay tidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan dhalay ilmo dheddig ah, oo Allaah wuu ka ogaa (cid kale oo dhan) waxa ay dhashay – oo labku ma aha la mid dheddiga, oo waxaan u bixiyey Maryam8, oo waxaan kaa magan gelinayaa iyada iyo durriyaddeedaba Shaydaanka la fogeeyay
  37. Markaasuu Rabbigeed ka aqbalay aqbal wanaagsan, oo ka yeelay inay korto koritaan wanaagsan, oo u dhiibay xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta oo uu Zakariya ugu soo galo Mixraabka (si uu u arko) wuxuu ka helaa agteeda riziq. Wuxuu yidhi: Maryameey: Xaggee bay waxakani kaaga yimaadaan? Waxay tidhi: Waa xag Ilaahay. Hubaal Allaah wuxuu u arsaaqaa qofkuu doono xisaab la’aan
  38. Halkaas buu Zakariya ku baryey Rabbigii, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iga sii Xaggaaga ubad wanaagsan. Hubaal Waxaad tahay Maqlaha baryada
  39. Markaas bay malaa’igtu u dhawaaqday isagoo taagan oo ku tukanaya Mixraabka: in Allaah uu kuugu bishaaraynayo Yaxyaa oo rumeynaya Eray xagga Ilaahay ah oo sharaf leh oo dhowrsoon oo Nabi ah ka mid ah kuwa wanaagsan
  40. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil ( ii dhasha) , anigoo da' noqday, oo haweentaydu waa ma dhaleys? Wuxuu yidhi: Sidaas buu Allaah u falaa wuxuu doono
  41. Wuxuu yidhi: Rabbbiyow! Ii yeel calaamo. Wuxuu yidhi: Calaamaddaadu waa inaadan la hadlin dadka saddex maalmood tilmaamo ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan oo xurmo weynee oo huf galab iyo subaxba
  42. Oo waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Hubaal Allaah wuu ku doortay oo ku daahiriyey, oo kaa doortay dumarka caalamka
  43. Maryameey! U joogtee daacadda Rabbigaa, oo sujuud, oo la rukuuc kuwa rakuuca
  44. Kani waa wax ka mid ah wararka waxa aan muuqan ee Ghaybka ah ee aanu kuu waxyoonno, oo lama aadan joogin markay qallamadooda tuuranayeen (si ay go’aan uga gaaraan) kooda kafaala qaadaya Maryam; oo adigu lama aadan joogin markay isla doodayeen
  45. Waa tii malaa’igtu tidhi: Maryameey! Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Erey ka yimid Xaggiisa, oo magaciisu yahay Al-Masiix Ciisaa, ibnu Maryam, oo ku leh sharaf adduunkan iyo aakhiradaba, oo ka mid ah kuwaa la soo dhoweeyo
  46. Oo wuxuu la hadli doonaa dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ah, oo (ahaan doonaa) mid ka mid ah kuwa wanaagsan
  47. Waxay tidhi: Rabbiyow! Sidee baan u lahaan doonaa wiil (ii dhasha) isagoo aanu nin i taaban? Wuxuu yidhi: Sidaas oy tahay, Allaah wuxuu abuuraa wuxuu doono. Marka uu arrin gooyo wuxuu uun ku yidhaahdaa Ahow, markaa waaba yahay
  48. Oo Wuxuu bari doonaa qoraalka iyo Xikmadda iyo Towraadda iyo Injiilka
  49. Oo (ka dhigi doonaa) Rasuul loo diro ilmaha Israa’iil: Inaan idiin la imid Calaamo xagga Rabbigiin ah, inaan idiinka gooyo dhoobada wax sida muuqaal shimbir leh, markaasaan afuufaa oo wuxuu noqdaa shimibir Idanka Ilaahay. Oo waxaan bogsiiyaa indhoolaha iyo baraslaha, oo soo nooleeyaa meytida Idanka Ilaahay, oo waxaan wax idiinka sheegaa waxaad cunaysaan iyo waxaad ku kaydsanaysaan guryihiinna. Hubaal tani waxaa idiinku sugan xaqiiq calaamo, haddaad tihiin mu'miniin
  50. Iyo xaqiijiye ahaan waxa hortyada ah ee Towraadda, iyo inaan idiin xalaaleeyo qaar ka mid ah waxa la idinka xaaraameeyey, oo waxaan idiin la imid calaamo xagga Rabbigiin ah. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah oo i Adeeca
  51. Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isagoo Keliya, waa kane Jidka Toosan
  52. Markiise uu Ciise ka dareemay gaalnimo xaggooda, wuxuu yidhi: Yaa iigu gargaari xagga (Jidka) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Annagaa ah gargaarayaasha (Jidka) Ilaahay; waxaanu rumeysannahay Allaah, oo marag ka ahow inaanu nahay Muslimiin
  53. Rabbiyow! Waxaanu rumeysannahay waxa aad soo waxyootay, oo raacnaa Rasuulka, ee nagu qor la jirka markhaatiyada
  54. Oo tab ayey dhigeen, oo Allaah (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Oo Allaah baa ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa
  55. Oo waa tii Allaah yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga, oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, oo waan idiin kala garsoori doonaa dhexdiinna waxaad isku khilaafteen
  56. Markaa ma kuwa gaalada ah, waxaan cadaabi doonaa cadaab daran adduunkan iyo Aakhiradaba, oo ma heli doonaan wax u soo gargaara
  57. Ma kuwase (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, wuxuu u oofin doonaa abaalgudyadooda oo dhan.Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha
  58. Kan baan kuu akhrinnaa ee ka mid ah Aayadaha iyo waanada xikmadda ah
  59. Hubaal mataalka Ciise xagga Ilaahay waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray ciid, markaasuu ku yidhi: Ahow, oo wuu ahaaday
  60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka
  61. Qofkii se kaala dooda arrinkan kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Ilaahay ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha
  62. Hubaal kani dhabtii waa faallada runta ah, oo ma jiro ilaah aan ahayn Allaah. Oo Allaah waa Adkaadaha, Xakiimka ah
  63. Haddiise ay dhabarka jeediyaan, haddaba hubaal Allaah wuu ogsoon yahay kuwa wax fasahaadiya
  64. Dheh: ehlul Kitaabow! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin axadna Allaah maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Allaah. Haddiise ay dhabarka jeediyaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin
  65. Ehlul Kitaabow! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, oo lamaba soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn
  66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxa aad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad haddaba uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Oo Allaah baa ogsoon, idinkuse ma ogidin
  67. Ma uu ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna9, laakiinse wuxuu ahaa toosane, Muslim ah, oo kama uu mid aheyn mushrikiinta
  68. Hubaal kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan iyo kuwa rumeysan. Oo Allaah waa Gargaaraha mu’miniinta
  69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, oo ma dareensana
  70. Ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay idinkoo markhaati ka ah
  71. Ehlul-Kitaabow! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon
  72. Oo koox ka mid ah ehlul- Kitaabka waxay yidhaahdaan: Rumeeya waxa loo soo waxyooday kuwaa rumeysan gelinka hore ee maalinta, oo diida aakhirkeeda, bal in ay ka soo noqdaan (diintooda)
  73. Oo ha aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna. Dheh: Hubaal hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Ilaahay, (oo ma xasdeysan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Hubaal fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay;Wuxuu siiyaa kuu doono. Oo Allaah waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon
  74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Oo Allaah waa Rabbiga Fadliga Weyn
  75. Oo waxaa ka mid ah ehlul- Kitaabka mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin doona isagii oo dhan; oo waxaa ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudi doonin inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa tan ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah (nalagu eedeeyo)11; oo waxay Allaah ka sheegaan been iyagoo ogsoon
  76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa oo iska jira (xumaha) haddaba hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa iska jira xumaha
  77. Hubaal kuwa ku iibsada Axdiga Ilaahay12 iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma lahaan doonaan wax saami ah Aakhirada. Oo Allaah lama hadli doono, mana eegi doono Maalinta Qiyaamaha, mana daahirin doono, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
  78. Oo hubaal waxaa ka mid ah qaar ku weecsha carrabyadooda Kitaabka si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, oo waxay yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Ilaahay; isagoo aan ka iman xagga Ilaahay, oo waxay ka sheegaan Allaah been iyagoo ogsoon
  79. Kuma habboona qof inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoommo halkii Allaah; Laakiinse (halkii taa wuxuu yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan
  80. Oo idinma amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib
  81. Oo waa tii uu Allaah ka qaaday Nabiyada ballan adag13: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, oo markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijinaya waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo waa inaad u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadaneysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirsannahay. Wuxuu yidhi: Haddaba markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada
  82. Ee qofkii dhabarka jeediya tani kaddib,kuwan weeye kuwa ah caasiyaasha
  83. Oo haddaba ma waxaan ahayn diinta Ilaahay bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay u hoggaansan yihiin waxa jira oo dhan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, oo Xaggiisa baa loo soo celin doonaa
  84. Dheh: Waxaanu rumeysansannahay Allaah, iyo waxa naloo soo waxyooday, iyo waxa loo soo waxyooday Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Oo innaguna Isaga ayaan isu dhiibnaa
  85. Oo qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbali doono, oo wuxuu Aakhirada ka mid ahaan doonaa kuwa ku sugan khasaarada
  86. Sidee baa Allaah u hanuunin doonaa qolo diidday (Xaqa) rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Oo Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah
  87. (Ma xagga) kuwani, abaalkoodu waa inay korkooda ku dhacdo Nacladda Ilaahay, iyo malaa`igta iyo dadka oo dhan
  88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabta lagama khafiifin doono, oo lama siin doono nafis
  89. Marka laga reebo kuwa toobad keena taasi (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada. haddaba hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  90. Hubaal, kuwa Xaqa diida rumayntoodii kaddib, haddana kororsada iimaan darro, lagama aqbali doono toobadooda (ay sheegtaan), oo waa kuwan kuwa lunsan
  91. Hubaal, kuwa (xaqa) diida oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbali doono midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwan weeye kuwa mudan doona cadaab aad u xanuun badan, oo ma heli doonaan wax u gargaara
  92. Marnaba ma haleeli doontaan ajarka wanaagsan (ee Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; oo wax kastoo aad bixisaan, hubaal Allaah waa uu Ogsoon yahay
  93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intii aan la soo waxyoon Towraadda14. Dheh: Keena haddaba Tawraadda oo Akhriya, haddaad tihiin run sheegayaal
  94. Haddaba qofkii ka been sheega Allaah tani kaddib, kuwan weeye kuwa ah gar ma qaatayaasha
  95. Dheh: Run buu sheegay Allaah; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, oo kama mid aheyn mushrikiinta
  96. Hubaal gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) xaqiiq waa midka ku yaal Bakka15, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha
  97. Waxaa ku dhex yaaal calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; oo qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. Oo u xajinta beydka waa xil saaran dadka dar Ilaahay, (waa xil saaran) qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggeeda17, oo qofkii beeniya, haddaba hubaal Allaah wuu ka kaaftoon yahay uunanka
  98. Dheh: ehlul Kitaabow! Maxaad u diideysaan Aayadaha Ilaahay? Oo Allaah wuu u jeedaa waxa aad fashaan
  99. Dheh: Ehlul- Kitaabow! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Ilaahay kan rumeysan? Waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Oo Allaah ma mooga waxa aad fashaan
  100. Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (waa Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin doonaan gaalo ahaan iimankiinna kaddib
  101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Ilaahay, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Oo qofkii si sugan u qabsada Allaah, waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jidka Toosan
  102. Mu’miniintoy! Dhowra ( xilka uu idin saaray) Allaah, ka dhowrsiga uu mudan yahay, oo ha dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Allaah)
  103. Oo si sugan u qabsada Axdiga Ilaahay dhammaantiin, oo ha qaybsamina, oo xusuusta Nicmadda Ilaahay dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); oo waxaad qarka u saarnaydeen bohol Naar ah, markaasuu idinka badbaadshay. Sidaas buu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, bal inaad hanuuntaan
  104. Oo ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, oo amarta samaha oo reebta xumaha. Oo kuwan weeye kuwa liibaani doona
  105. Oo ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Oo kuwan weeye kuwa mudan cadaab aad u daran
  106. Maalinta marka wajiyo (qaar) ay caddaan, oo wejiyo (qaarna) ay madoobaan; marka ma kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan: Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dha- dhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed
  107. Kuwase ay wajiyadoodu caddaadaan, waxay dhex ahaan doonaan Naxariista Ilaahay (Jannada), iyagoo ku dhex waari
  108. Kuwani waa Aayadaha Ilaahay ee aan kuugu akhrinno xaq, oo Allaah lama doono wax gardarro ah uunanka
  109. Oo Allaah baa leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Oo xagga Allaah bay umuurahoo dhan u noqdaan
  110. Waxaad tihiin tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, oo aad reebtaan xumaha, oo rumeysan tihiin Allaah. oo hadday ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen, waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah, oo badankoodu waa caasiyaal
  111. Idiinma geysan doonaan sinnaba wax waxyeello ah, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaallamaan dhabarkay idiin jeedin doonaan, markaas looma gargaari doono
  112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo, waxaan aheyn marka ay ku hoos jiraan axdi xagga Ilaahay ah, ama axdi xagga dadka ah; oo waxay noqdeen kuwo mudan Cadho xag Ilaahay ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diideen Aayadaha Ilaahay oo ku dileen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay caasiyeen oo xadgudbeen
  113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan18; waxay akhriyaan Aayadaha Ilaahay waqtiyada habeenka, oo way u sujuudaan
  114. Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambeysa; oo waxay amraan samaha oo reebaan xumaha19; oo waxay iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, oo kuwaasi waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan
  115. Oo wax waliba oo khayr ah ay falaan lagama dayrin doono abaalkooda; oo Allaah wuu Og yahay kuwa iska jira (xumaha)
  116. (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan diida, hubaal wax ugama tari doonaan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Ilaahay. Oo waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ay ku dhex waari doonaan
  117. Mataalka waxa ay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabayl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Oo Allaah ma uusan ku gardarroon, laakiinse iyagaa nafahooda u gefey
  118. Mu’miniintoy! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn, oo aan ka gaabsanayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, oo waxay laabahoodu qarsadaan baa weliba ka sii weyn. Xaqiiq waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad garowsan doontaan
  119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (Yuhuudda iyo Nasaarada), halka ay iyagu idin jecleyn, oo waxaad rumeysan tihiin Kitaabka (waxa ku yaal) oo dhan. Oo markay idinla kulmaan waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
  120. Hadday idin haleesho wanaag, waa ay murugo gelisaa, oo hadday idinku dhacdo xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Allaah wuu koobaa waxay falaan
  121. Oo waa tii aad ka jarmaadday goor aroor hore ah ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan20 Oo Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon
  122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan21, oo Allaah baa ahaa Gargaaraha labadoodaba.oo waa inay Allaah ku kasloonaadaan mu’miniintu
  123. Oo wuxuu xaqiiq Allaah idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, si aad u mahad naqdaan
  124. Waa tii aad ku lahayd mu’miniinta: Oo miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo la soo diray
  125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri doonaa shan kun oo malaa’ig ah, oo calaamadeysan
  126. Oo Allaah kama uu dhigin (arrintaas) waxaan ahayn war san oo la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Oo guushu kama timaaddo waxaan aheyn xagga Ilaahay Adkaadaha, Xakiimka ah
  127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah
  128. Waxba kaama gelin arrinka23, hadduu ugu soo noqonayo (si naxariis leh) ama ci- qaabayo, hubaal iyagu waa gar ma qaatayaal
  129. Oo Allaah baa iska leh waxa jira samooyinka iyo waxa jira arlada. Wuxuu u dambi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Oo Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  130. Mu’miniintoy! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii laab laabay, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane
  131. Oo iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada
  132. Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), si la idiinku naxariisto
  133. Oo u degdega dambi dhaaf xagga Rabbigiin ah, iyo Beer, ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, waxaa loo diyaariyey kuwa iska ilaasha (xumaha)
  134. Kuwa wax u bixiya (si wanaagsan) waqtiga ladnaanta iyo lurnaantaba, iyo kuwa liqa cadha(dooda) oo iska cafiya dadka. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
  135. Iyo kuwa markay falaan anshax xumo ama u gefaan nafahooda24, xusuusta Ilaahay, oo weydiista in laga dhaafo dambiyadooda; oo yaa dhaafa dambiyada aan aheyn Allaah, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxa ay faleen
  136. (Ma xagga) kuwan- abaalgudkoodu waa dambi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero ay hoostoodu qulqulaan wabiyo, oo ay ku dhex waarayaan, oo wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha
  137. Xaqiiq waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee ku socdaala dhulka oo fiirsha sida ay ku dambeysey cidhibta beeniyayaasha
  138. Kanu waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano ku socota kuwa iska ilaasha xumaha
  139. Oo ha ahaannina kuwo aan sugnaan, oo ha murugoonnina, oo idinkaa sarreyn doono haddaad tihiin mu’miniin
  140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa xaqiiq soo gaaray dhaawac la mid ah dadkaa (gaalada) ah; oo waxaan ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, oo waa si uu Allaah u muujiyo kuwa rumeysan, oo idiinka sameysto shuhado. Oo Allaah ma jecla gar ma qaatayaasha
  141. Oo waa si uu u daahiriyo kuwa rumeysan oo u beelaan gaalada barakooyinka
  142. Ma waxaad mooddaan inaad gali doontaan jannada isagoon Allaah aan weli muujin kuwiinna aad u jihaada25 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin kuwa samrayaasha ah
  143. Oo xaqiiq waxaad rabteen dhimashada ka hor intaydaan la kulmin. Oo xaqiiq waad aragteen idinkoo eegaya
  144. Oo Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul, Waxaa xaqiiq tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto26 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Oo qofkii dib ugu gaddoomaa cirbihiisa, waxba uma dhimi doono Allaah, Oo Allaah waa u abaal gudi doonaa mahad naqayaasha
  145. Oo nafi ma dhiman doonto Idanka Ilaahay ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Oo qofkii raba abaalka adduunyadan, Waxbaan ka siin doonnaa, oo qofkii raba abaalka Aakhirada, waxbaan ka siin doonnaa. Oo Waanu u abaal gudi doonnaa mahad naqayaasha
  146. Oo badanaa inta Nabi ee ay la dagaal galeen Rabbi yaqaanno tiro badan. Ee marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Ilaahay, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Oo Allaah wuu jecel yahay kuwa samir yeesha
  147. Oo ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbiyow! Noo dhaaf dambiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, oo noo sug cagahayaga, oo nooga gargaar dadkaa gaalada ah
  148. Markaasuu Allaah siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada. Oo Allaah wuxuu jecel yahay sama falayaasha
  149. Mu’miniintoy! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin doonaan cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi doontaan idinkoo khasaaro ku sugan
  150. Mayee! Allaah baa ah Gargaarihiin, Isaga baana u wanaagsan gargaarayaasha
  151. Waxaan ku tuuri doonnaa argagax quluubta kuwa rumeysan diida, sababta la wadaajintooda Allaah waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; oo hoygood waa Naarta. Oo wax xun oo baas waa hoyga gar ma qaatayaasha
  152. Oo xaqiiq Allaah wuxuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen28 kaddib markuu idin tusiyey waxa aad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, oo waxaa idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaas buu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Oo xaqiiq wuu idiin cafiyey. Oo Allaah wuu u Roon yahay mu`miniinta
  153. Waa tii aad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, oo Rasuulku uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna29, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna30, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
  154. Markaas hammi kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, xasiloonni u imaneysa koox idinka mid ah31, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen32, oo waxay ku maleeyeen Allaah male xun aan xaq ahayn oo malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Hubaal arrinka oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Ilaahay. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn33, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan34. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, oo waa si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna, oo Allaah wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
  155. (Ma) kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (eed) ah oo ay kasbadeen awgeed. Oo xaqiiq Allaah wuu iska cafiyey. Hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan
  156. Mu’miniintoy! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood marka ay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Allaah uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Oo Allaah baa bixiya nolol oo sababa dhimasho. Oo Allaah wuu arkaa waxa aad fashaan
  157. Oo haddii la idinku dilo Jidka Ilaahay ama aad dhimataan, xaqiiq Dambi dhaaf xagga Ilaahay ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxa ay urursadaan
  158. Oo haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Ilaahay Xaggiisa baa la idinku soo kulmin doonaa idinkoo dhan
  159. Sidaas waa Naxariista Ilaahay darteed inaad ula dhaqanto si nugul, oo haddaad ahaan laheyd mid qallafsan, qalbi adag, waxay xaqiiq ka kala yaaci lahaayeen hareerahaaga; ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, ee marka aad goosato arrin isku hallee Allaah, hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa isku halleeya
  160. Hadduu Allaah idiin gargaaro, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; oo hadduu idinka goosto, waa kuma haddaba kan idiin gargaari kara Isaga ka dambow? Oo Allaah (Keliya) ha isku halleeyaan mu’miniintu
  161. Oo ma aha wax ka suurooba Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), oo qofkii wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama booli qaran) wuxuu keeni doonaa waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha35. Markaas baa naf walba waxaa loogu oofin doonaa si dhan waxa ay kasbatay iyagoo aan lagu gardarroon doonin
  162. Ee ma mid raaca Raalli gelinta Ilaahay baa la mid ah kan isagu mutaysta Cadhada Ilaahay, oo hoygiisu yahay Naar, oo waa meel baas oo aayo xun
  163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Allaah agti, Oo Allaah wuu arkaa waxa ay falaan
  164. Xaqiiq Allaah Wuxuu ku galladeystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul nafahooda ka mid ah, u akhriyaya Aayadihiisa, oo daahirinaya, oo baraya Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor hubaal ay ku sugnaayeen habow caddaan ah
  165. Waa la yaabe! Ma markii ay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba xaqiiq aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee bay nooga timid tani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Allaah wax walba wuxuu ku dul leeyahay awood buuxda
  166. Oo wixii idinku dhacay maalintii markay labada col isku heleen (Uxud), waxay ku dhacday Idanka Ilaahay, oo waa si uu u muujiyo mu’miniinta
  167. Iyo si uu u muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Ilaahay ama difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu ognahay dagaal, xaqiiq waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Oo Allaah wuu Og yahay waxa ay qarsadaan
  168. Kuwaa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Haddaba ka caabbiya nafahiinna dhimashada, haddaad tihiin run sheegayaal
  169. Oo ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Ilaahay meyti, Mayee, way nool yihiin,(oo) Rabbigood agtiis lagu arzaaqaa
  170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwaa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin36, inaanay cabsi qabi doonin oo aanay murugoon doonin
  171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad ka timid Allaah iyo Fadli(giisa) darteed, iyo inaanu Allaah dayaci doonin ajarka mu’miniinta
  172. (Ma xagga) kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Allaah iyo Rasuulka kaddib inta uu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay mudan doonaan ajar aad u weyn
  173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse tani kordhisay Iimaankooda, oo waxay yidhaahdeen: Allaah baa nagu filan, oo Isagaa u fiican cid wax xafidda
  174. Markaas bay la noqdeen Nicmo uga timid Allaah iyo Fadli(giisa), oo ma aanay taaban xumaato oo waxay raaceen Raalli gelinta Ilaahay. Oo Allaah waa Rabbiga Fadli weyn
  175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin
  176. Oo yey ku murugo gelin kuwa uga dhaca gaalnimada si degdeg ah37; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Allaah marnaba. Allaah Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax qayb ah Aakhirada, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u weyn
  177. Hubaal, Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimi doonaan Allaah marnaba, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
  178. Oo yey gaalada moodin in u dib dhigiddeydu ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan dambiyo, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u dulleysa
  179. Sinnaba Allaah uguma tagi doona mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Oo ma aha Allaah mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, laakiinse Allaah wuxuu ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Oo haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad mudan doontaan abaalgud aad u weyn
  180. Oo yey moodin, kuwa ku bakhayla bixinta waxa uu siiyey Allaah oo Deeqdiisa ka mid ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri doonaa waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha38. Oo Allaah baa iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan
  181. Allaah xaqiiq wuu maqlay odhaahda kuwii (Yuhuuddii) yidhi: Hubaal Allaah waa faqiir oo innagaa hodan ah. Waanu qori doonnaa waxay yidhaahdeen iyo ku dilkooda anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan doonnaa: Dhadhamiya Cadaabta Gubashada
  182. Waxakani waa waxa ay gacmihiinnu horay u geysteen iyo sababta inaanu Allaah ahayn mid ku gardarrooda addoomaha
  183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, hubaal Allaah wuxuu na xilsaaray inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaado) cuno. Dheh: Xaqiiq waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaa aad dalabteen, ee maxaad u disheen haddaad tihiin run sheegayaal
  184. Haddiise ay ku beeniyaan sidaa oo kale baa xaqiiq loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya
  185. Naf walba way dhadhamin doontaa dhimasho, oo waxaa uun la idiinku oofin doonaa si dhan ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada baa xaqiiq liibaanaya. Oo ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn sahay lagu dagan yahay
  186. Waxaa xaqiiq la idinku imtixaami doonaa xagga maalkiinna iyo nafahiinnaba, oo waxaad xaqiiq ka maqli doontaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo xagga kuwaa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, oo haddaad samir yeelataan oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrin-kaas waa ka mid umuuraha la go’aansado
  187. Oo waa tii Allaah la galay axdi kuwii la siiyey Kitaabka, waa inaad run ahaan u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin39, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxaa ay gataan
  188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxa ay faleen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin, _ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabta, oo waxay mudan doonaan cadaab aad u xanuun badan
  189. Oo Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba, Oo Allaah wax walba wuu Karaa
  190. Hubaal abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan xaqiiq calaamooyin wax garadka
  191. Kuwa xusa Allaah joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, oo ka fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbiyow! Uma aadan abuurin kani baadil, Adigaa nazahan oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabta Naarta
  192. Rabbiyow! Hubaal qofkii aad geliso Naarta, xaqiiq waa dulleysay, oo gar ma qaatayaasha ma yeelan doonaan gargaarayaal
  193. Rabbiyow! Hubaal waxaanu innagu maqallay baaqe ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbiyow! Ee noo dhaaf dunuubtayada, oo noo astur xumayaalkeenna, oo na oofso la jirka baarriyiinta
  194. Rabbiyow! Oo na sii waxa aad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide
  195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii): Inaan Anigu dayaci doonin camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga, ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan xaqiiq asturi doonaa xumayaalkooda oo waxaan xaqiiq gelin doonaa beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Ilaahay, oo Allaah baa haya oo weliba baxsha abaalgud aad u wanaagsan
  196. Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan
  197. Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Naar; oo ugu xun gogol la yeesho
  198. Laakiinse, kuwa dhowra (xilka uu saaray) Rabbigood, waxay mudan doonaan beero ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan, marti qaad uu u fidiyey Allaah; oo Allaah wuxuu hayaa u khayr badan kuwa baarriga ah
  199. Oo hubaal ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo waxyooday, iyo waxa iyaga loo soo waxyooday, oo u khushuuca Allaah, oo aan ku iibsan Aayadaha Ilaahay qiimo yar. Kuwan weeye kuwa ku leh ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Allaah wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta
  200. Mu’miniintoy! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan40, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah aad liibaantaane