15.The Rock

  1. Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ka yeela (arrimaha) caddaan
  2. Wax badan bay kuwaa (xaqa) rumeysan waaya jecleysan doonaan inay ahaayeen Muslimiin
  3. Iska daa wax ha iska cunaane oo ha iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. Durbase way ogaan doonaan
  4. Oo ma jirto magaalo aan rognay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran
  5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan
  6. Oo waxay yidhaahdaan: Adigaaganow ah kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyey3! Hubaal adigu xaqiiq waxaad tahay ku waalan
  7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’igta haddii aad tahay mid ka mid ah runowlyada
  8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, oo markaas lama siiyeen wax nafis ah
  9. Hubaal Annaga (Allaah ah) baa soo waxyoonnay Waanada (Qur’aanka) oo hubaal Annagaa xaqiiq ah ilaaliyayaasheeda
  10. Oo xaqiiq Waxaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood
  11. Oo ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin
  12. Sidaas baan ugu yeelnaa (diiddada Xa- qa) inay u gasho quluubta dambiilayaasha
  13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray, oo dhab ahaan waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay
  14. Oo xitaa haddii aan uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan
  15. Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray
  16. Oo xaqiiq Waxaan yeelnay rugo adag samada, oo Waxaan u qurxinnay daawadayaasha
  17. Oo Waxaan ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga fogeeyey (Naxariista Ilaahay)
  18. Mid maahee xada mar wax u maqlo, markaas la raaciyo isaga holac muuqda
  19. Oo dhulka - waanu fidinnay, oo waxaanu ku sugnay dhexdeeda buuro, oo sababnay inay ka soo baxaan gudaheeda wax kasta oo ku habboon
  20. Oo Waxaan idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin
  21. Oo ma jiro wax aannu Annagu hayn khasnadahiisa. Oo kuma aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan
  22. Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala (daruurta) markaas baan ka soo dejinnaa biyo daruurta, oo aan idinka waraabinno,oo ma ahidin idinku kuwa kaydiya
  23. Oo hubaal waa Annaga (Allaah) Kuwa bixiya nolol, oo sababa inaad dhimataan8, oo Waa Annaga dhaxlayaasha
  24. Oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, oo xaqiiq Waxaan ognahay kuwa dib ka iman doona
  25. Oo hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. hubaal Waa Falsame Xakiim ah, wax kasta Ogsoon
  26. Oo xaqiiq Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, oo madow jilicsan oo qaab leh ah
  27. Oo Jinka, Waxaan ka abuurnay awal hore dab aad u kulul oo ololaya
  28. Oo waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow jilicsan oo qaab leh ah
  29. Ee, marka aan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayga10, ula dhaca sujuud
  30. Markaas bay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan
  31. Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa u diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday
  32. Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday
  33. wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow ah jicilisan qaab leh
  34. Wuxuu yidhi: Haddaba ka bax xaggeeda, hubaal adigu waa lagu fogeeyeye
  35. Oo hubaal waxaa dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta Abaal marinta
  36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaba ii sug ilaa Maalinta la soo bixin doono
  37. (Alle) wuxuu yidhi:Haddaba hubaal Wa- xaad ka mid tahay kuwa la siiyo fursadda
  38. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh
  39. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sida aad ii habaabisay darteed, Waxaan hubaal iyagana u qurxin doonaa jidka habowga dhulka korkiisa, oo xaqiiq waxaan habaabin doonaa iyagoo dhan
  40. Marka laga reebo addoomahaaga ku ji- ra ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada
  41. Wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah
  42. Hubaal, ma xagga addoomahayga, ku- ma lihid awood dushooda, marka laga ree- bo kuwa ku raaca ee habowsanayaasha ah
  43. Oo hubaal, Naarta waa halka loo ballan qaaday iyagoo dhan
  44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa halkaa waxaa ahaan doonaa qayb gaar ah oo ka mid ah
  45. Hubaal kuwa iska jira (xumaha) waxay dhex ahaan doonaan Beero iyo ilo
  46. Ku gala nabad idinkoo aamin ah
  47. Oo Waxaan ka soo siibi doonnaa wixii xasad ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool
  48. Kuma taaban doono gudaheeda daal, lagamana soo saari doono
  49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu ahay Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
  50. Iyo in Cadaabkaygu, kaasi weeye cadaabka xanuunka badan
  51. Oo u sheeg arrinka martidii Ibraahiim
  52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: hubaal innagu cabsi ayaa idinka qabnaa
  53. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan. Hubaal waxaan kuugu bishaareyneynaa wiil aqoon leh (dhalashada Isxaaq)
  54. Wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Haddaba maxaad iigu bishaarayneysaan
  55. Waxay yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta
  56. Wuxuu yidhi: Oo yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan
  57. Wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan haddaba, kuwaan la soo dirayow
  58. Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah
  59. Reer Luud ma’ahee. Hubaal waanu badbaadin doonnaa xaqiiq iyagoo dhan
  60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay hubaal ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi)
  61. Markay Rusushii la soo diray u yimaadeen reer Luud
  62. Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin qolo aan la garanayn
  63. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaanu kuula nimid waxa ay ka doodayeen
  64. Oo waxaan kuula nimid Xaq oo hubaal waxaanu nahay xaqiiq run sheegayaal
  65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo adigu daba soco oo ka dambee, oo yaanu midkiinna dib soo jalleecin oo aada halka la idin ku amray
  66. Oo Waxaanu u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas la goyn subaxa horeba
  67. Oo dadkii magaaladu waxay yimaadeen iyagoo aad u faraxsan
  68. Wuxuu yidhi: Hubaal kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina
  69. Oo Alle ka cabsada oo ha i ceebeynina
  70. Waxay yidhaahdeen: Oo miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka kale
  71. Wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddii aad yeeleysaan (inaad guursataan)
  72. Waa igu Cimrigaaga'e, waxay indho la’- aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii
  73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba
  74. Oo Waxaan u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah
  75. Hubaal, arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada
  76. Oo hubaal Waxay ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay
  77. Hubaal arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin mu’miniinta
  78. Oo dadkii degganaa hawdka19 waxay sidoo kale xaqiiq ahaayeen gar ma qaatayaal
  79. Markaas baan ka aargudannay. Oo waxay labaduba20 xaqiiq ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro
  80. Oo dadkii degganaa dhadhaabka waxay dhab ahaan beeniyeen Rususha
  81. Oo waxaanu siinnay Aayadahayagii, wayse ka jeesadeen xaggooda
  82. Oo waxay ka qorteen buuraha guryo iyago aamin ah
  83. Markaas baa waxaa qabaty qeylo (qarax) weyn waaberkiiba
  84. Oo waxba uma tarin waxay kasbadeen
  85. Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq, Oo hubaal Saacaddu xaqiiq waa imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon
  86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba ogsoon
  87. Oo dhab ahaan Waxaanu ku siinnay toddobo (Aayadood ee) lagu soo celceliyo (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn
  88. Ha u taagin indhahaaga waxa aanu siinnay qaybo ka mid ah iyaga inay ku raaxeystaan oo ha u murugoon, oo ahow mid u nugul oo soo dhoweeya mu’miniinta
  89. Oo dheh: Hubaaal anigu waxaan uun idiin ahay digaha cad
  90. Sida aan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)
  91. Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo
  92. Haddaba waa igu Rabbigaa hubaal waanu weydiin doonnaa dhammaantood
  93. Xagga waxa ay faleen
  94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta
  95. Hubaal Annaga baa kaaga filnaan doonna jees-jeesayaasha
  96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Allaah, durbase way ogaan doonaan
  97. Oo dhab ahaan Waxaan ognahay inay ka ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yidhaahdaan
  98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda
  99. Oo caabud Rabbigaa ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka)