11.Hud

  1. Alif Laam Raa1. (Kani waa) Kitaab, Aayadihiisa la sugay, misna laga soo caddeeyey2, Xagga Xakiimka, Xog Ogaalka ah
  2. Inaydaan caabudin axad aan ahayn Allaah; huubaal anigu waxaan idiin ahay dige ka socda Xaggiisa iyo bishaareeye sida warsan aad ku faraxdaan
  3. Iyo inaad idinku weydiisataan dambi dhaaf Rabbigiin, oo u soo laabataan, wuxuu idin siin sahay aad u wanaagsan oo ku eg muddo la gooyey, oo ku galladeysan Fadligiisa mid kasta oo wanaagsan oo khayr qabe ah. Haddiise aad jeesataan, markaa hubaal waxaan anigu idiinka cab- san cadaab Maalin aad u murugo Weyn
  4. Waa xagga Allaah meel noqodkiinna, oo Isagu waa Kan wax walba Kara
  5. Haddaba hubaal waxay laabaan laabahooda, si ay uga qariyaan3 (cadaawadooda) Xaggiisa. Haddaba hubaal marka ay isku dedaan maryahooda, Wuxuu Ogsoon yahay waxa ay qarsadaan iyo waxa ay muujiyaanba. Hubaal, wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha
  6. Oo ma jiro noole ku sugan dhulka oo aysan Allaah irsaaqaddiisu saarnayn. Oo Wuxuu Ogsoon yahay4 rugtiisa degaanka u ah iyo halka uu ku kaydsan yahay. (Waxaasoo) dhammi waxay ku yaalliin Kitaab Caddaan ah
  7. Oo waa Isaga Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada lix Maalmood, oo Wuxuu ahaa Carshigiisu biyo korkood5, si uu idiin imtixaamo xagga midkiinna idiinku camal wanaagsan. Haddiise aad tidhaahdo:hubaal waa la idin soo bixin doo- naa dhimasho kaddib. Waxay hubaal kuwa rumeysan waaya odhan doonaan: kani ma aha waxaan aheyn sixir caddaan ah
  8. Oo haddaan dib uga dhigno cadaabta ilaa muddo tirsan, waxay hubaal odhan doonaan: Maxaa haysta oo celinaya? Haddaba hubaal maalinta ay u iman doonto (cadaabtu), ma aha wax laga weecin doono, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jees jeesayeen
  9. Oo haddaan ka dhadhansiinno aadmiga Xaggayaga Naxariis, markaas aan ka qaadno, hubaal wuxuu noqdaa mid quusta, dafiraad badan
  10. Oo haddaan dhadhansiinno khayr, kaddib waxyeello soo gaaray, wuxuu hubaal odhan doonaa: Waxyeellooyinkii way iga tageen, hubaal wuxuu noqdaa mid farxa faan badan
  11. Marka laga reebo kuwa samir yeesha oo samaha fala, kuwaas waxay mudan dambi dhaaf iyo abaalgud aad u weyn
  12. Ee waa intaasoo aad ka tagi doonto qaar ka mid ah waxa laguu waxyoodo6, oo ay ku cidhiidhi noqon doonto laabtaadu inay yidhaahdaan darteed: Maxaa khaznad loogu soo dejin waayey, ama uu u soo raaci waayey Malag? Waxaad adigu tahay oo keliya dige. Oo Allaah baa wax walba taladoodah haya
  13. Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay. Dheh: Haddaba Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Allaah ka sokow, haddii aad tihiin run sheegayaal
  14. Haddiise aysan idin ajiibin, haddaba ogaada in lagu soo waxyooday (Qur’aanka) Cilmiga Ilaahay7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Ee haddaba idinku ma(u)hoggaansameysaan Muslimiin ahaan
  15. Mid kastoo raba noloshan adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofin doonaa si dhan abaal gudka camalkooda gudaheeda, iyagoon waxba laga dhimi doonin
  16. Kuwan weeye kuwa aan ku laheyn Aakhirada waxaan ahayn Naar; oo waxaa buri doona waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, oo waxba kama jiraan waxa ay falaan
  17. Ee haddaba ma qof Xujo Cad ka heysta Rabbigi, oo markhaati xaggiisa8 ah uu akhriyo (baa la mid ah mid adduunyo uun dooni); hortina isaga waxaa ahaa Kitaabkii Muuse ee ahaa Hanuun iyo Naxariis? Kuwan baa rumeysan waxa ku soo arooray, Qofkiise rumeysan waaya oo ka mid ah axzaabta (kala duwan), waa Naarta madashiisu: Ee shaki yuu kaa galin. hubaal waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse intooda badan dadku ma rumeysna
  18. Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah. Kuwan waxaa la hor keeni doonaa Rabbigood, oo markhaatiyadu9 waxay odhan doonaan: Kuwan weeye kuwii ka been sheegay Rabbigood. Haddaba hubaal Lacnadda Ilaahay baa dushooda ah gar ma qaatayaasha
  19. Kuwa ka jeedsada Jidka Ilaahay oo doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan rumeysneyn Aakhirada
  20. Kuwani ma ku baxsan doonaan arlada, oo uma sugnanan doonaan wax gargaarayaal ah Allaah sokadi. Waxaa loo labalaabi doonaa Cadaabta. Ma karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan
  21. Kuwan weeye kuwa ay khasaaraha ku dhici doonto nafahaooda, oo waxay waayi dooneen waxay been abuurteen
  22. Hubaal Aakhirada waa iyaga kuwa ugu khasaaraha badan
  23. Hubaal,kuwa rumaysan oo samaha fala oo u khushuuca Rabbigood, _waa kuwaa ehlu Jannadu iyagoo ku dhex waari doona
  24. Mataalka labada kooxood waa sida indhoolaha iyo dhegoolaha, iyo wax arkaha iyo wax maqlaha, Miyey siman yihiin mataal ahaan? Miyeydaan haddaba xusuusaneyn
  25. Oo xaqiiq Waxaan u dirnay Nuux qolodiisii (isagoo leh): hubaal waxaan anigu idiin ahay dige iska cad
  26. In aydaan caabudin waxaan ahayn Allaah, hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa cadaab Maalin aad u xanuun badan
  27. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwa rumeysan waayey (Xaqa) ee ka mid ahaa qolodiisii yidhaahdeen: Kuuma aragno waxaan aheyn qof nala mid ah aan waadheyn, oo ma aragno wax ku raacay aan aheyn kuwa noogu liita (oo iska kaa raacay durbaba markaad u bandhigtay) ka fiirsi la’aan. Oo idinkuma aragno wax aad na dheer tihiin oo fadli ah, mayee, waxaan idiin aragnaa beenalayaal
  28. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, la idinkase indha tiray. Miyaan idinku khasbeynaa (inaad aqbashaan) idinkoo naceyb u qaba
  29. Oo tolkayow! Idinku weydiisan maayo inaad igu siisaan maal, abaalgudkeyga waxaa ii haya oo keliya Allaah. Oo anigu ma ahi mid debedda u saaraya kuwa (Xaqa) rumeysan. Hubaal waxay la kulmi doonaan Rabbigood, laakiinse Waxaan arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah
  30. Oo tolkayow! Yaa iiga gargaari doona Allaah, haddi aan iyaga debedda u saaro? Ee miyeydaan haddaba waansameyn
  31. Oo idinkuma odhanayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, oo ma ogi waxa aan muuqan ee qarsoon; oo ma odhanayo waxaan ahay Malag, oo kama odhanayo kuwa ay quursadaan indhihiinnu (inuusan) Allaah marnaba siin doonin wax khayr ah. Allaah baa dhab u ogsoon waxa ku sugan nafahooda, haddii kale hubaal waxaan anigu ka mid noqon gar ma qaatayaasha
  32. Waxay yidhaahdeen: Nuuxow! Dhab ahaan Waad nala doodday oo aad dheerseysay la doodistayada, ee haddaba noo keen waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay runlowyada
  33. Wuxuu yidhi: Waxaa uun idiin keeni Allaah, haddii uu doono, oo ma baxsan doontaan
  34. Oo waxna idiinma tari doonto waanadeyda, haddii aan doono inaan idin waaniyo, haddii uu Allaah rabo inuu idin lumiyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa
  35. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay? Dheh: Haddii aan been abuurtay, aniga buu i saaran yahay dambigayga, oo anigu waan ka eed tirnahay waxaas aad ku dambaabtaan
  36. Oo waxaa loo waxyooday Nuux inaysan cidna ka mid ah dadkaaga rumeyn doonin wixii horay u rumeeyay maahee. Ee ha ka xumaan waxa ay falaan
  37. Oo ku samee Doonida Indhahayaga hortooda iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwaa ah gar ma qaatayaasha; hubaal waa la qarqin doonaa
  38. Oo wuxuu billaabay inuu sameeyaa Doonida, oo mar kasta ay soo ag maraan xildhibaannada ka mid ah qolodiisa, way ku qoslaan digasho ahaan. Wuxuu yidhi: Haddii aad nagu qososhaan, hubaal innaguna sidoo kale waa idinku qosolnaa sida aad noogu qososhaanba
  39. Ee waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku dhici doonto cadaab dulleysa oo ay ku degi doonto cadaab ma guuraan ah
  40. Jeer markuu Amarkayaga yimid 10 oo biyo ka soo burqadeen tanuurka,Waxaanu nidhi: Ku qaad labo nooc kasta lammaane iyo ehelkaaga, marka laga reebo kuwa uu qowlka horey ugu maray, iyo kuwa rumeysan. Oo ma ay la rumeyn (Xaqa) wax yar ma’ahee
  41. Oo wuxuu yidhi: Ku fuula Magaca Ilaahay, ay ku soconeyso kuna joogsaneyso. Hubaal, Rabbigay xaqiiq waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  42. Oo way la socotay hirar dhexood buuro oo kale ah, oo wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii11, oo wuxuu joogay meel ka baxsan: Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada
  43. Wuxuu yidhi: Waxaan isu dumi doonaa magan gal darteed buur iga badbaadin doonta biyaha. (Nuux) wuxuu yidhi: Ma jiro wax ka badbaadi karaa maanta Amarka Ilaahay cid uu u Naxariisto maahee. Oo Waxaa kala dhex galay hirkii, marka wuxuu ka mid ahaa kuwii la qarqiyey
  44. Oo waxaa la yidhi: Dhulkoow, liq biyahaaga, oo daruurtay qaad, biyihiina waxaa laga yeelay inay guraan, amarkii (Ilaahayna) wuu hirgalay12. (Doonidiina) waxay dul degtay Al-Juudi13, oo waxaa la yidhi: Ha fogaadaan qoloda gar ma qaatayaasha ah
  45. Oo wuxuu Nuux u dhawaaqay Rabbigiis oo yidhi: Rabbiyow! Hubaal wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, oo ballan qaadkaagu hubaal waa Xaq, oo Waxaad Adigu tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta
  46. Wuxuu yidhi: Nuuxow! Hubaal ka mid ma aha ehelkaaga; hubaal waa (mid fala) wax kaloo aan ahayn camal wanaagsan, ee ha i weydiisan wax aad u lahayn cilmi. Hubaal Waan ku waaniyaa si aad uga mid noqon jaahiliinta
  47. Wuxuu yidhi: Rabbigayow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Oo haddii aad ii dambi dhaafin oo i naxariisan, waxaan ka mid noqonayaa khasaarayaasha
  48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda dadkaa ka mid ah kuwa kula jira, (oo waxaa jiri doona) ummado aan u raaxeyn doonno (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab aad u xanuun badan
  49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno, aad ogeyn adiga iyo dadkaaguba kani ka hor. Ee samir yeelo. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha)
  50. Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal
  51. Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray. Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn
  52. Oo tolkayow! Weydiista dembi dhaaf Rabbigiin markaasna u laabta Isaga, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, oo idiinku darayaa xoog xooggiinna, oo ha jeesannina idinkoo dambiilayaal ah
  53. Waxay yidhaahdeen: Huuudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, oo kagama tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), oo mana nihin kuwo adiga ku rumaysan
  54. Ma odhan karno waxna aan ahayn in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen waxyeello (waalli). Wuxuu yidhi: Waxaan hubaal marag gashanayaa Allaah, oo idinkuna ka ahaada marag sidoo kale inaan Anigu bannaanka aan ka ahay waxa aad wax la wadaajisaan
  55. Isaga ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, oo ha i siinninaba wax nafis ah
  56. Hubaal anigu waxaan isku halleeyaa oo ku Kalsoonahay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan
  57. Haddiise aad dhabarka jeedisaan run ahaan waxaan idin soo gaarsiiyey Risaaladii la iigu soo kiin dhiibay. Oo Wuxuu Rabbigay keeni doonaa qolo kale halkiinna, oo waxna kama dhimi kartaan. Hubaal, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa
  58. Oo markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, oo waxaan ka badbaadinnay Cadaab Adag
  59. Oo tani bay ahayd Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, oo raaceen amarka macangag kasta oo madax adag
  60. Oo waxaa la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Haddaba hubaal Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Caad, qolodii Huud
  61. Oo xagga Thammud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda 14 Allaah, ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista dambi dhaaf Isaga, markaas u laabta Xaggiisa. Hubaal Rabbigay wuu dhow yahay ajiibaa (baryada)
  62. Waxay yidhaahdeen: Saalixoow! Runtii waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad (haatan) naga reebaysaa inaan caabudno waxa ay aabbayaashayo caabudayeen? Xaggase waxaa aad noogu yeedho, hubaal waxaan innagu xaqiiq ka qabnaa shaki yaab leh
  63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ii sheega haddii aan ka heysto Xujo Cad Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis Xaggiisa ah, Bal yaa haddaba iiga gargaari Allaah, Haddii aan ku caasiyo? Ee iima kordhisaan waxaan aheyn khasaaro
  64. Oo tolkayow! Tani waa Hashii Ilaahay, oo idiin ah calaamad (mucjiso), ee iska daayoo ha daaqdo arlada Ilaahay, oo ha u gaysannina wax waxyeello ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab aad u dhow
  65. Wayse dileen Hashii. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta guryihiinna saddex maalmood. Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn
  66. Markaasaa markuu Amarkayaga u yimid inuu fulaa, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga oo (Waxaanu ka badbaadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal, Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah
  67. Oo Qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay16 kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda
  68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan daarahooda. Haddaba hubaal, Thamuud waxay rumeysan waayeen Rabbigood. Haddaba hubaal ha fogaadaan Thamuud
  69. Oo xaqiiq Rusushayadii waxay ula yimaadeen Ibraahiim war san oo farxad leh. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow). Wuxuu ku jawaabay, Salaam ( nabad ahaada) oo wuxuu si degdeg ah sooryo ugu keenay weyl shiilan
  70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda17. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, hubaal waxaa naloo soo diray reer Luud
  71. Marwadiisuna waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay18, markaas waxaan ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub
  72. Waxay tidhi: Ma waxaan wiil dhali anigoo habar duqowday ah, oo kani ninkay- gu yahay oday aad u gaboobay? Hubaal Arrinkani xaqiiq waa wax la yaab leh
  73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabeysaa Amarka Ilaahay? Naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadaan reer (Ibraahiimow). Hubaal, Waa Ammaanle, aad u Sharaf Badan
  74. Ee Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo war san oo farxad leh u yimid, wuxuu billaabay inoo nagala doodo arrinta qolodii Luud
  75. Hubaal Ibraahiim xaqiiq waa dulbadane, qalbi jilicsan19, u noqosho badan (Allaah)
  76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa runtii yimid Amarka Rabbigaa inuu fulo. Oo hubaal iyaga waa inuu u yimaado cadaab aan dib loo celin kareyn
  77. Oo markay Rusushayadii u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray20 oo wuxuu waayey xoog uu ku difaaco oo yidhi: Tani waa Maalin daran
  78. Oo tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun21. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii22, iyagaa idiinka daahirsan ee ka dhowrsada (Ciqaabka) Ilaahay oo ha igu dulleynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan
  79. Waxay yidhaahdeen: Xaqiiq waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdhahaaga, oo hubaal adigu xaqiiq waad ogsoon tahay waxa aanu rabno
  80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh
  81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Sinnaba kuuma soo gaari doonaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, hubaal wax kastoo ku dhaca iyaga, baa iyadana ku dhici doona, hubaal ballankoodu waa subaxa hore, miyuusan subaxu dhoweyn
  82. Haddaba markii uu Amarkayagii yimid, Waxaan u rognay af gambi oo korkoodii hoos marinnay, oo Waxaanu roob kaga dhignay dhagxayo dhoobo shidan ah oo is daba jooga
  83. La soo calaamadiyey (ciqaab darteed) Rabbigaa agti, oo ma aha wax ka fog xuma falayaasha
  84. Oo xagga Madyan (Waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin Ilaah kale ( oo xaq ah) aan aheyn Isaga, oo ha dhimina beegga iyo miisaanka, hubaal waxaan anigu idinku arkaa barwaqo; oo hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin wax koobeysa
  85. Oo tolkayow! Oofiya beegga iyo miisaanka si caddaalad ah, oo ha ka duudsinnina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi'innina dhulka fasaadkaad faleysaan
  86. Waxa ku baaqiga ah Allaah agtiisa ayaa idiin roon haddii aad tihiin mu’miniin, oo anigu idiin ma ahi kormeere
  87. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Ma waxay salaadahaadu ku amraan inaan ka tagno waxay caabudeen aabbayaashayo, ama inaanu ku falin maalkayaga waxaan doonno? Hubaal adigu waxaad tahay dul badanaha wax garadka ah
  88. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma u fiirsateen, haddii aan ka heysto Xujo Cad xagga Rabbigay, oo I siiyey risiq wanaagsan oo Xaggiisa ah. Oo anigu ma rabo inaan idiin daba maro falidda waxa aan idinka reebo. Ma rabo waxna aan ahayn wax wanaajin intaan karo oo awooddeyda ah. Oo ma jiro axad aan ahayn Allaah oo I waafajin kara talada toosan. Isaga baan isku halleeyaa oo Xaggiisa ayaan goor waliba u soo laabtaa
  89. Oo Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan dambi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, oo qolodii Luud ma aha wax idinka fog
  90. Oo weydiista dambi dhaaf Rabbigiin markaas u soo laabta Isaga. hubaal, Rabbigay waa Naxariis Badane, Gacal ah
  91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxa aad leedahay ah, oo hubaal waxaaan kuu aragnaana mid daciif ah dhexdayada. Oo haddii aannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, oo ma tihid mid naga guuleysan kara
  92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerka aan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Allaah? Oo aad halmaamtaan sida waxa aad tuurtaan dhabarrkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan
  93. Oo tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, Anigu sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan dhaqso waa kee kan ay ku iman doonto cadaab dulleysa, oo waa kee kaasi ah beenale, oo dhugta, aniguna sidoo kale waan idinla dhugane (sugayaa natiijada)
  94. Oo markuu Amarkayagii yimid inuu fulo, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii ahaa gar ma qaatayaasha, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal daarahooda
  95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Haddaba hubaal ha fogaadaan Madyan sidii ay u fogaadeenba Thamuud
  96. Oo xaqiiq Waxaan ula soo dirnay Muusaa Aayadahayagii iyo Xujo Cad
  97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan
  98. Wuxuu hor kici doonaa tolkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo keeni doonaa hoos xagga Naarta, oo xumaa halka iyaga la keenayo
  99. Oo waxaa lagu raacshay Nacalad (duni) tani gudaheeda24, oo Maalinta Qiyaamaha, xumaa deeqda la siin doono
  100. Arrinkani waa xaalka (aayihii) magaalooyinka aan kaaga sheekeyno; waxaa ka mid ah kuwo taagan iyo kuwo (kale) oo la halaagay
  101. Oo ma aanu ku gardarroon, laakiinse iyaga baa waxay ku gardarroodeen nafahooda. Markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markuu Amarka Rabbigaa u yimid inuu fulo, oo uma ay kordhin waxaan aheyn baabbba’a
  102. Oo waa sidaas oo kale qabashada Rabbigaa marka uu qabto magaalooyinka iyagoo gar ma qaatayaal ah, hubaal, Qaba-shadiisu waa mid xanuun badan oo daran
  103. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamad ciddii ka cabsata Cadaabka Aakhirada, tani waa Maalin dadka la soo kulmin doono iyagoo dhan, oo tani waa Maalin goob joog la ahaan
  104. Oo uma dib dhigno waxaan ahayn muddo tirsan oo hore loo gooyey
  105. Maalinta ay iman doonto nafina ma hadli doonto Idankiisa la’aanti, markaasi (qaarkood) waxay ahaan doonaan kuwo fajacsan, iyo (kuwo kale) oo aad u faraxsan
  106. Ma kuwaa iyagu fajacsan waxay ku sugnaan doonaan Naarta; waxay ku mutey- san dhexdeeda cartan iyo hiinraag
  107. Iyagoo ku waari doona dhexdeeda inta ay jiraan samooyinka iyo arladu, waxa uu Rabbigaa doono maahee26. hubaal, Rabbigaa waa falaha waxa uu doono
  108. Ma kuwase laga yeelay kuwo faraxsan, waxay ku sugnaan doonaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku dhex waaraya inta ay jiraan samooyinka iyo arlada, waxa uu Rabbigaa doono ma’ahee, deeq aan go’i doonin oo daa'in ah
  109. Ee ha ka Shaki qabin waxa ay kuwaanu caabudaan, ma caabudaan waxaan aheyn waxay caabudeen aabbayaashood mar hore, oo hubaal waxaanu dib ugu oofin doonnaa si dhan saamigooda oo waxba laga dhimeyn
  110. Oo xaqiiq Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay, oo haddii aysan jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa, arrinku hubaal wuxuu ahaan lahaa mid la gooyay dhexdooda; oo hubaal iyagu waxaaba kaga jira shaki aad u weyn
  111. Oo hubaal Rabbigaa wuxuu dhammaan ugu oofin doonaa camalladooda si dhan. Hubaal, waxay camal falaan Waa u Xog Ogaal
  112. Ee weligaa hay dhabbaha toosan sida lagu amrayba, (adiga) iyo sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Allaah), oo ha xadgudbina. hubaal, Waa uu arkaa Waxa aad camal fashaan
  113. Oo ha u liicina kuwa ah gardarroolayaasha, si ayan Naari idin taaban, oo ma lihidin Allaah sokadi wax ilaaliyayaal ah, markaas la idiinma gargaari doono
  114. Oo oog salaadda, labada dacal ee maalinta iyo saacadaha hore ee habeenka. hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun27, tani waxay u tahay waano kuwa waana qaata
  115. Oo samir yeelo; hubaal, Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha
  116. Maxaase looga dhex waayey qaaruumihii idinka horreeyay, dad leh garasho, oo ka reeba Fasahaadka dhulka dhexdiisa,_ wax yar mooyee oo ka mid ahaa kuwii aan ka badbaaddinnay dhexdooda? Oo kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay daba galeen wixii loogu raaxeeyey, oo waxay ahaayeen dambiilayaal
  117. Oo kama suurowdo Rabbigaa inuu u halaago magaalooyinka gardarro iyagoo ay dadkoodu u dhaqmaan si wanaagsan
  118. Oo haddii uu doono Rabbigaa, wuxuu hubaal ka dhigi lahaa dadka ummad keliya,mase dayn doonan inay iskhilaafaan
  119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, oo arrinkani (towxiidka) awgi buu U abuuray iyaga. Oo Kelmedda Rabbigaa waa mid la oofiyo: Hubaal, Waxaan ka wada buuxin doonaa Naar jinka iyo dadka iyagoo dhammi (kuwooda i caasiya)
  120. Oo dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Oo waxaa kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq, iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta
  121. Oo ku dheh kuwa aan rumaysnayn: U camal fasha sidiinnaas ee dowga idinla ah, hubaal innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa
  122. oo suga, innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa
  123. Oo Allaah baa iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, oo Xaggiisa baa loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isaga oo Keliya oo isku hallee. Oo Rabbigaa ma aha mid moog waxa aad fashaan